Home Wararka Maanta Waa Imisa Xildhibaanada ka harsan dhameystirka doorashada Golaha Shacabka

Waa Imisa Xildhibaanada ka harsan dhameystirka doorashada Golaha Shacabka

0

Dooraashada Golaha Shacabka BFS ayaa loo jaan gooyay in lagu soo idleeyo 15 Bisha Maarso ka dib markii ay kulan yeesheyn Golaha Wadatashiga Qaran 28 Febraayo 2022.

Kulanka Golaha ayaa waxaa shir Guddoominyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleeyada oo kala ah; Saciid Cabdullaai Deni Madaxweynaha DG Puntaland, Axmed Cabdi Kaariye Madaxweynaha DG Galmugud, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) Madaxweynaha DG Hirshabeelle, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen Madaxweynaha DG KGS, Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) Madaxweynaha DG Jubbaland iyo Guddoomiyaha Gobalka Benaadir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish.

Shirka Golaha oo dhacay 25 febraayo 2022 ayee ku xeeriyeen in doorashada lagu soo idleeyo muddo 18 cesho ah oo ka bilaabaneyso 26 Febraayo 2022.

Maamullada Banaadiriga & Goballada Waqooyi ayaa noqday Maamulladii ugu horreeyay ee soo gabogabeeya doorashada.

Doorashada Goballada Waqooyi ayaa la soo gabogabeeyay 21 Febraayo 2022, gabogabada doorashada ayaa waxaa kaqeyb galay Wasiirka Koowaad ee XFS Maxamed Xuseen Rooble asiga oo baaq u diray Dowlad Gobaleedyada in ay doorashada ku soo dhameeyaan waqtigii lagu heshiiyay oo ahaa markaas 25 Febraayo 2022 balse ma dhicin.

Goballada Waqooyi ayaa saami ahaan waxa ay Baarlamaanka ku leeyihiin 46 mudane dhammaantood waa la soo doortay 13 ka mid ah waa dumar halka 33-ka kale ay yihiin rag, Baarlamaankaan waxaa ku cusub 23 mudane halka 23 kale ay ka mid ahaayeen Baarlamaankii 10-aad kuwaas oo markale dib u soo laabtay.

25 Febraayo 2022 ayaa la qabtay dhammaan doorashada kuraasta Banaadiriga ee saami ahaanta ugu soo aaday Golaha Shacabka BFS, kuwaas oo dhan 5 mudane, Xildhibaanadaan ayaa ku cusub dhammaantood Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa masuul ka ahaa doorashada labadaan maamul, ayada oo doorashadooda lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Dhankaan haddii aan eegno Dowlad Gobaleeyada:

Dowlad Gobaleedka Puntland Saami ahaan waxa ay Baarlamaanka ku leedahay 37 mudane, waxaa la doortay 31 kursi oo lagu kala soo doortay Boosaaso oo ah Deegaan doorashada labaad iyo Garoowe, waxaa ku harsan 6 mudane.

Galmudug waxa ay saami ahaan ku leedahay BFS 37 kursi waxa ay dooratay 34 mudane waxaa ku harsan 3 kursi

Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle waxa ay saami ahaan ku leedahay Golaha Shacabka BFS 38 mudane, waxaa la doortay 24 mudane waxaa harsan 14 kursi oo 8 ka mid ah ay taalo Baladweyne oo ah deegaan doorashada labaa ee Hirshabeelle.

Koonfur Galbeed waxa ay saami ahaan ku leedahay Golaha Shacabka BFS 69 mudane, waxaa la doortay 62 mudane, waxaa harsan 7 kursi, kuwaas oo lagu wado in la qabto 15 Maarso 2022 sida uu sheegay SEIT KGS.

Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa waxa taala 43 kursi, waxaa la doortay 23 kursi, waxaa harsan 20 kursi oo ay ku jiraan 16 kuri ee yaala Magaalada Garbahaarrey oo ah Deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

28 Febraayo 2022 Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi soo qiimeeya xaaladda Deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbohaarreey, Guddiga aya gaaray Magaalada Kismaayo ayaga oo la soo kulmay Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Islaam Axmed Madoobe, ayaga oo ku soo laabtay Muqdisho waxa ay la kulmeeyn Ra’iisul Wasaaraha.

Dhammaan Xildhibaanada soo baxay ayaa dhan 225 mudane waxaa harsan 50 mudane Suuragal ma tahay in 50-ka Mudane ee ka harsan Doorashada Golaha Shacabka BFS la qabto doorashadooda ka hor 15 March?

Isha: Mustaqbal

Ad
Previous articleMarkab Dagaal oo soo gaaray Sweden kaasi oo laga leeyahay Mareykanka
Next articleDoorasho adag oo Caawa ka Dhacday Magaalada Baladweyne iyo Mucaaradka oo ku Guulaystay