Home Wararka Maanta Waa Imisa xeryaha Ilaa Hada Lagala Wareegay Ciidamada ATMIS?

Waa Imisa xeryaha Ilaa Hada Lagala Wareegay Ciidamada ATMIS?

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahisay qorshaha howl-galka gaba-gabada ah ee ATMIS iyo kan xiga ee qorshihiisa uu socdo.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka uu ciidanka ATMIS kala wareegay in ka.badan 27 xarumo oo guud ahaan dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xarumo intaas lamid uu qorshuhu yahay in saddexda bilood ee soo aadan ATMIS kala wareegaan ciidamada xoogga dalka.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed wejigii 3-aad wuu dhameeyay, guud ahaan ATMIS in kabadan 27 goobood ayaa lagala wareegay, in intaas lamid ah ilaa 2024 waa la dhameystirayaa oo ay 3 bilood uun ka dhiman tahay, kaas oo howgalka ku egyahay dhamaadka sanadkan,” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirka in wixii ka dambeeyo sanadkaan uu bilaaban doono howl-galka cusub ee AUSOM, iyadoo haatan ay soccaan arrimo farsamo oo lagu dhameystirayo howl-galka cusub ee bilaaban doono wixii ka dambeeyo bisha December ee 2024.

“Wada-hadal ku aadan howl-galka cusub ayaa waxaa noo socda anaga, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo hay’adahii kaalmeyn lahaa,” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Wasiirka ayaa carabaabay in xilligaan ay dood taagan tahay ciidanka Itoobiya oo uu sheegay haddii aanay dowladooda ka laaban heshiis beenaadkii badda Soomaaliya kamid noqon doonin howl-galkaas oo ay dowlado kale booskaas buuxin doonaan.

Si kastaba, ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa haatan u diyaarsan la howl-galka qorshaha cusub waxii ka dambeeyo December 2024 kadib marka uu dhamaado kan ATMIS oo ay ka harsan tahay saddex bil keliya.

Ad
Previous articleCiid Dowlada oo Dhul Balaaran Alshabaab Ka Saaray amaystayna Fariisimo Cusub