Home Wararka Maanta Waa Imisa Dadka Shalay Ku Geeriyooday Roobabkii Mahiigaanka ahayd ee ka Da,ay...

Waa Imisa Dadka Shalay Ku Geeriyooday Roobabkii Mahiigaanka ahayd ee ka Da,ay Muqdishu

0

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho la da’ayay roob xooggan oo dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac, bur bur guryo iyo sidoo kale wadooyin muhiim ah oo kuyaallay caasimadda.

Roobka ka da’ay magaalada Muqdisho oo socday saacado badan oo xiriir ahaa ayaa sababay in ay buuxsamaan warihii kuyaallay qaar klamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxa uu sidoo kale roobka biyo dhigay wadooyin magaalada kuyaalla.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in roobkii shalay ka’ay magaalada Muqdisho uu sababay geerida labo carruur ah, waxa uu sidoo kale tilmaamay hal qof kalana in uu dhaawac soo gaaray.

Waxa uu sheegay afhayeenka in roobka uu bur bur xooggan gaarsiiyay 11-guri oo kuyaalla Muqdisho uuna saameyn xooggan ku yeeshay boqolaal qoys oo deganaa, xaafado u dhaw dhaw gobaha waraha ay kuyaallaan.

Ad
Previous articleWaa Sidee Xalaada Goobihi ay Shalay Ku Dagaalameen Beelaha Sacad iyo Laylkase iyo Khasaaraha Kala Gaaray
Next articleSoomaaliya iyo Itoobiya oo Wadahadalkii Ugu Horeeyey ku Yelaanaaya Turkiga