Home Wararka Somaliya Jubbaland Wa Imisa Tirada Alshabaab Maantay Alshabaab looga Dilay Buulaxaaji iyo Kuwa nolosha...

Wa Imisa Tirada Alshabaab Maantay Alshabaab looga Dilay Buulaxaaji iyo Kuwa nolosha Lagu qabtay?

0

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay dagaal culus oo maanta ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, kadib markii Al-Shabaab lagu jabiyay weeraro ay ku qaadeen deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in dagaalkaas oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dala iyo Daraawiishta Jubbaland lagu dilay in ka badan 80 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in ciidamada huwanta ay dagaalka kusoo furteen qoryo ka mid yihiin RPG, BKM, AK47 iyo kuwa kale.

Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:-

Muqdisho, 22, July 2024: In ka badan 80 Khawaarij ah oo isugu jira horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ayaa lagu dilay hawlgal ka hortag ah oo ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ka sameeyeen deegaannada Buulo Xaaji, Baar Sanguuni iyo Harboole ee gobalka Jubbada Hoose.

Hawlgalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaadka Khawaarijta ah ay weerar nafla caari ah ku soo qaadeen fariisimo geesiyaasha Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku lahaayeen deegaannadaan, laakiin ciidanka oo u diyaarsanaa dhagarta cadowga ayaa ku guulaystay inay cagta mariyaan maleeshiyaadka Khawaarijta ah.

Ciidammadda ayaa hawlgalkan ku furtay hub aad u farabadan oo ay wateen cadowga, kuwaasi oo ay ka mid yihiin qoryaha RPG, BKM, AK47 iyo kuwa kale.

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidammada Jubbaland ayaa hadda ku jira uruurinta meydadka cadowga ee daadsan goobaha lagu dagaalamay, iyadoo dhanka kale wali lagu raad joogo maleeshiyaad fara ku tiris ah oo isku dayaya inay naftooda la baxsadaan.

Ad
Previous articlewar Deg Deg ah: Wasiir Katirsan Jubaland oo La qarxiyay Maxaa Gaaray?
Next articleCiidamada Itoobiyanka ahaa ee ku suganaa Magaaladaan oo Codsaday in La galbiyo