Home Wararka Maanta Villa Soomaaliya oo Qorshe Cajiib ah U Dagtay Baarlamaanka Soomaaliya Xili Sabtida...

Villa Soomaaliya oo Qorshe Cajiib ah U Dagtay Baarlamaanka Soomaaliya Xili Sabtida La furaayo

0

Sida ay ogaatay Mudug24, Kal-fadhiga 5-aad ee baarlamaanka BF ayaa la qorsheynayaa inuu meel-mariyo sharciyo dhowr ah oo kamid yahay kan doorashooyinka, guddiga doorashooyinka iyo xeerka lagu dhisayo iyo weliba sharciga axsaabta.

Madaxtooyadda oo gacan ka helaysa guddoonka baarlamaanka ayaa qorsheynaysa in sharciyadan ay marsato baarlamaanka marka la furo kal-fadhigan, xilli ay Xildhibaannada qaar muujinayaan saluug iyo balamihii hore loo fulin.

Villa Somalia ayaa horey u marsatay baarlamaanka afartii cutub ee dastuurka ee mucaaradka ka qeyliyay iyo heshiiskii Turkiga ee illaa hadda baarlamaanka aqoonin wax ku qoran, kuwaasi oo dhamaantood ku gacan isiyay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Ad
Previous articleWararkii Ugu danbeeyey Qarax Culus oo Ka Dhacay Magaalada Baladweyne
Next articleMaxay tahay ‘Jabhadda’ uu sheegay Madaxweyne Biixi in ay ka soo hadashay Jabuuti?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here