Home Wararka Maanta Villa Sòomaaliya oo Kala Furfuraysa Mooshin Culus oo Socday iyo kulankii Baarlamaanka...

Villa Sòomaaliya oo Kala Furfuraysa Mooshin Culus oo Socday iyo kulankii Baarlamaanka oo maantay Baaqday

0

Waxaa maanta baaqday kulankii lagu waday in xildhibaannada golaha shacabka ku yeeshaan magaalada Muqdisho, kaddib cabsi laga dareemay xildhibaannada qaar oo diyaarinaya mooshin ka dhan ah xukuumadda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa ku qanciyay guddoomiyaha golaha shacabka in maanta dib u dhigo fadhiga baarlamaanka, waxa ayna ka codsadeen in ilaa Arbacada dib u dhigo fadhiga.

Sida aan wararka ku helnay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa bilaabay kala fur furka xildhibaannada ku kacsan xukuumadda , waxa ayna siyaabo kala duwan ula kulmeen qaar kamid ah hor-joogayaasha xildhibaannada.

Madaxtooyada ayaa sidoo kale u saaray xildhibaannada qaar in ay kala fur furaan kuwa diidan la xisaabtanka xukuumadda iyo sidii meesha looga saari lahaa mooshinka laga yaabo in xildhibaannada diyaariyaan.

Ad
Previous articleYuusuf Duqow Xuseen oo Qaraxyo ka Gaystay Muqdisho oo Xukun lagu riday
Next articleMadaxweyne Guudlaawe oo xilka ka qaaday Wasiirro katirsanaa maamulkiisa kuwa cusubna magacaabay