Home Wararka Maanta Villa Soomaaliya oo Fashilisay Qorshe uu Mudo kasoo Shaqaynaayay Rooble iyo Saaxibadiis

Villa Soomaaliya oo Fashilisay Qorshe uu Mudo kasoo Shaqaynaayay Rooble iyo Saaxibadiis

0

 Villa Somalia ayaa fashilisay qorshe uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku doonayay in Muqdisho looga furo Bangkiga Masar Dubai (Banque Misr), sida ay ogaatay Mudug24.

Furitaanka bankigan cusub ayaa ujeedkiisu ahaa in meesha looga saaro SWIFT-ga Turkiga ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya uu isticmaalo, laguna beddelo mid Imaaraati ah.

SWIFT waa nidaamka caalamiga ah ee isku xira Bankiyada caalamka, islamarkaana fududeeya inay lacagaha hab electronic ah isugu gudbiyaan.

Heshiiska Bangkiga Masar Dubai (Banque Misr) looga furayo Muqdisho ayaa waxaa daba-yaaqadii Febraayo saxiixday guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya iyo wakiilada Bankiga Reer Masar.

Bangkiga Masar Dubai oo Muqdisho laga hirgeliyo waxa uu fududeyn lahaa in lacagaha ka imanaya Imaaraadka Carabta, gaar ahaan kuwa loogu talo-galay ololaha doorashada lasoo mariyo, maadaama Bankiga Dhexe uu maamulkiisa gacanta ugu jiro madaxweyne Farmaajo.

Si kastaba, waxaa aakhirkii diiday ku-xigeenka guddoomiyaha bankiga iyo shan qof oo guddi ka ah bankiga, taasi oo meel cidlo ah kusoo riday guddoomiyaha, waxaana arrintan ay ku timid oloel ay gashay Villa Somalia si looga hortago qorshaha Rooble.

 

Villa Somalia ayaa qorshahan u aragtay qatar dhaqaale oo shaki galin karta doorashada iyo rajada uu ka leeyahay Farmaajo in dib loo doorto.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe oo tagay Djibouti, Masar iyo Imaaraadka ayaa aakhirkii diidmo kala kulmay Farmaajo oo u sheegey in ay caqli xumo tahay in xilligan bankigaas laga furo Muqdisho oo lacagaha lagu mucaaradayo ay soo maraan.

Rooble iyo saaxiibadiis oo sidoo kale cadaadis xoogan kala kulmayay bankiyada gudaha oo arrintan diidan iyo Turkida ayaa aakhirki u muuqdey kuwa looga adkaadey isku daygooda oo malaayiin doolar oo macaash ah bil kasta ay ku faa’iidi lahaayeen.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDowlada Federalka Soomaaliya oo War kasoo saartay xaalada Soomalida ku noola ukrain
Next articleWasiir Omaar oo Weerar afka ah Ku Qaaday Axmed Madoobe amanayna Farmaajo