Home Wararka Maanta Villa Soomaaliya oo Dhambaalo Hambalyo ah Gudoonsiiyay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud

Villa Soomaaliya oo Dhambaalo Hambalyo ah Gudoonsiiyay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud

0

Madaxtooyada Qaranka ayaa shaacisay goordhoweyd inay u guddoontay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud dhambaallo hambalyo ah oo ku aaddan guusha uu ka gaaray doorashadii Madaxtinimada ee qabsoomtay 15-kii bishan.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in dalalka aan walaalaha nahay iyo kuwa ay naga dhaxeyso saaxiibtinimada ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada qabsiga ay Madaxweyne Xasan Sheekh u muujiyeen sida ay uga go’an tahay in ay sii xoojiyaan xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Dalalka hambalyada u soo diray Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka mid ah Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Amiirka Qatar, Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Imaaraatka Carabta, Dowladda Turkiga, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Amiirka iyo dhaxal sugaha dalka Kuweyt, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska, Saldanadda Cumaan iyo dalalka kale oo badan.

Sidoo kale, waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hambalyo u soo diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres, Madaxweynaha Midowga Afrika Mudane Moussa Faki Mahamat, Madaxa Urur Goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebeyehu iyo Midowga Yurub oo dhammaantood muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeeyaan Madaxweynaha la doortay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guul taariikhiya kasoo hooyay doorashadii Axadii ka dhacday Afisyoone, wuxuuna noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee mar labaad ku soo noqday xukunka dalka.

 

 

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleDowladaha Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo Saacado Badan kadib Ka Hadlay Doorashadii Xasan Shiikh
Next articleCiidamada Burundi oo Dib u Qabsaday Deegaanka Ceel Baraf