Home Wararka Maanta UNka oo Sheegay inay Digniinihii Ay soo Saareen ee Qaraxyada ay Ahaayeen...

UNka oo Sheegay inay Digniinihii Ay soo Saareen ee Qaraxyada ay Ahaayeen Been Abuur

0

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Kulankan ayaa lagu falanqeeyay dhowr qodob oo muhiim ah oo la xiriira xaaladda amni ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray cadeynta digniinaha iyo wargelinta Qaramada Midoobay ee la sheego in ay ka soo saarto amniga dalka, gaar ahaan digniinaha qaraxyada ay sheegaan inay Muqdisho ka dhacayaan.

Isweydaarsiga macluumaadka ku saabsan khataraha ay sababi karaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, qaraxyada iyo halista xeebaha, kadib marxaladda kala guurka ee howlgalka ATMIS.

Kulanka isku-xirka amniga ee FGS-ATMIS-UN-AAIA iyo Warbixin ku saabsan barnaamijka wadajirka ah ee booliska.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa iska fogeeyey in uu soo saaro warbixinno iyo digniino la xiriira amniga Soomaaliya, kuwaas oo muwaadiniinta looga digayo khataro amni in ay ku soo wajahan yihiin goobo la cayimay.

Fariimahaan ayaa lagu arkaa baraha bulshada, balse hadda Qaramada Midoobey ayaa iska fogeysay, inkastoo aan weli la cadeyn cidda soo saarta digniinahaas.

Wasiirka Amniga Cabdullahi Fartaag ayaa sidoo kale uga digay shacabka Soomaaliyeed inay aaminaan farriimaha noocaan ah ee lagu marin habaabinayo bulshada, laguna khal khal gelinayo amniga dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Wasiir Fartaag ayaa hoosta ka xariiqay in amniga dalka uu yahay mid xasaasi ah, loona baahan yahay in dhammaan dhinacyada ay si taxaddar leh uga shaqeeyaan.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleMuslimo Cali: ‘Hal saac ayaan ka sii maqnaa, markii an soo noqdayna waxaa u imid iyaga oo gubtay’
Next articleWararkii Ugu danbeeyey qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Ka dhacy Muqdisho