Ukraine ayaa garaacday goob tareennada laga raaco oo ay ka goysay korantadii magaalada Melitopol ee uu Ruushku haysto iyadoo ay sii kordhayaan hadal heynta Kyiv ee ku aaddan weerar rogaal celis ah oo ka dhan ah ciidammada Ruushka oo ku daalay weerarradii xiliga jiilaalka.
Sawirro aan la xaqiijin oo internetka laga soo qaaday ayaa muujinaya qaraxyo cirka isku shareeray oo oo ka dhacay Melitopol, oo saldhig u ah maamulka uu Ruushku maamulo ee Zaporizhzhia, kaasoo ka mid ah shan gobol oo Ukreine ka tirsan oo Ruushku ku andacoonayo inuu la wareegay.
Wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS oo soo xiganaysa mas’uuliyiin ka tirsan Moscow ayaa sheegtay in goob tareennada laga raaco ay waxyeelo soo gaartay, korontaduna ay go’day magaalada Melitopol iyo tuulooyinka u dhow.
Melitopol, oo ay ku nool yihiin dad ku dhow 150,000 ka hor dagaalka, waa xarunta saadka tareennada ee ciidamada Ruushka ee koonfurta Ukraine iyo qayb ka mid ah buundada dhulka ee isku xirta Ruushka iyo jasiiradda Crimea ee la haysto.
Ma jiro xog guud oo ku saabsan hubka Ukraine ay u adeegsatay weerarka. Magaaladu waxay ku taal cidhifka fog Ukraine. Ruushka ayaa sheegay in uu soo riday gantaalka GLSDB Talaadadii, waana markii ugu horreysay oo ay soo sheegaan in ay sidaas sameeyeen.
Arrintan ayaa caqabad ku noqon karta saadka ciidamada  Moscow xilli la sheegayo in Kyiv ay dhawaan qaadi doonto weerar rogaal celis ah oo ka dhan ah ciidamada Ruushka oo aan guulo waaweyn ka gaarin weerar bilo ah socday inkastoo dagaalku uu ahaa kii ugu dhiiga badnaa.
Melitopol waxay koonfurta ka xigtaa warshada tamarta Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee uu Ruushka haysto, waxaana booqday Arbacadii madaxa hay’adda Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay Rafael Grossi, oo ku celceliyay baaqyo ah in la sameeyo aag nabdoon oo halkaas ku yaal, isagoo sheegay in xaaladdu aysan ka soo rayn, dagaalladii ka dhacayna ay sii xumaadeen.