Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Ugu yaraan 8 Israa’iiliyiin ah ayaa ku dhaawacmay toogasho ka dhacday agagaarka...

Ugu yaraan 8 Israa’iiliyiin ah ayaa ku dhaawacmay toogasho ka dhacday agagaarka deegaanka Ariel.

0

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhaawacantay weerar lagu qaaday gaari dadweyne oo ay saarnaayeen Israa’iiliyiin kaas oo marayay meel u dhow deegaanka Ariel ee dhaca woqooyiga daanta galbeed ee la haysto Jimcihii.

Ciidamada Israa’iil ayaana sheegay in weerarkaas uu geystay wiil dhallinyaro ah oo Falastiini kaas oo ay toogteen millitariga Israa’iil.

Weerarka ayaa ka dhacay isgoys u dhow deegaanka Ariel, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay ciidamada Israa’iil, waxa ayna intaa ku dareen in qofkii ka danbeeyay ay dileen.

Maamulka gaadiidka gurmadka degdegga ah ee Israa’iil ayaa sheegay in afar qof ay ku dhaawacmeen rasaasta, kuwaas oo saddex ka mid ah ay xaaladoodu halis tahay, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyada afar kale oo waxyeelo ka soo gaartay muraayadaha gaariga.

Afhayeen u hadlay adeegga ambalaasta ayaa markii dambe sheegay in saddex ka mid ah dadka dhaawacmay ay jiifeen baska agtiisa, isla markaana ay miyir beeleen markii ay goobta yimaaddeen shaqaalaha caafimaadka, isagoo intaa ku daray in kuwii ugu darnaa ee dhaawaca ahaa loo qaaday isbitaalka xaaladdooduna ay deggan tahay.

Guutada Izzal-Diin Al-Qassam, oo ah garabka militariga ee Xamaas, ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, oo loo adeegsaday hubka fudud gaarigana ay ka muuqdeen in ka badan toban xabadood oo ku yaala muraayadda.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa qofka toogashada geystay ku tilmaantay inuu ahaa 46 jir kamid ah dadka deegaanka.

Idaacadda ciidamada Israa’iil ayaa sheegtay in ninka toogashada geystay uu ka yimid magaalada Nablus isagoo soo maray waddo aan isbaaro iyo baaritaan toona lahayn, wuxuuna ka soo degay gaari isaga oo watay qoray noociisa uu yahay M16.

Sida laga soo xigtay isla raadiyaha, hay’adda amniga Israa’iil ayaa ninkaas ku tilmaamtay inuu kamid yahay dagaalyahanada Xamaas, waxa ayna intaa ku dareen in ay wadaan howlgal lagu baarayo ciddii ka caawisay falka sida uu baahiyay raadiyaha.

Izza Al-Din al Qasam oo ah guuto ka tirsan garabka hubaysan ee Xamaas ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka.

Guutada Izz al-Din al-Qassam ayaa ku sheegtay ninka falkan geystay inuu yahay Samer Hussein (46 sano jir), kana yimid tuulada Ainbus, ee koonfurta Nablus ku taal.

Ilo wareedyo Israa’iil ah ayaa sheegaya in ciidamadu ay rumeysan yihiin in “dhinacyo badan ay ka shaqeynayaan sidii ay Daanta Galbeed ee la qabsaday ugu rogi lahaayeen goob dagaal”.

Rabshadaha ayaa sii kordhay guud ahaan Daanta Galbeed tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qasa bishii Oktoobar ee sanadkii hore.

Ugu yaraan 24 Israa’iiliyiin ah, oo ay ku jiraan askar, ayaa lagu dilay weerarrada ay fuliyeen Falastiiniyiinta ama hawlgallada militari ee ka socda Daanta Galbeed tan iyo markii uu qarxay dagaalka Qasa, sida laga soo xigtay tirooyinka rasmiga ah ee Israa’iil.

Isla muddadaas, ugu yaraan 778 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Marinka Qasa, waxaana dilay askarta Israa’iil ama dadka lagu deegaameeyay aagaas, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse oo soo xiganaysa tirakoobyada rasmiga ah ee Falastiiniyiinta.

Dhammaan deegaamaynta Israa’iiliyiinta ee Daanta Galbeed ee la haysto ilaa 1967 waxaa loo arkaa sharci darro marka loo eego sharciga caalamiga ah

Hay’adda NIRA oo beenisay in deegaano ka tirsan Puntland ay ku dartay Galmudug

Warsaxaafadeed ay soo saartay hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta dowladda Federaalka Soomaaliya ee NIRA ayaa lagu beeniyay eedeymo loo jeediyay hay'adda oo la xariiray in degmooyin ka tirsan Puntland ay raacisay

Puntland oo sheegtay in Madaxweyne Xasan Shiikh uu Colaad ka abuuro Gaalkacyo Markasta uu Xil Qabto

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheikh Cali (Jifojabsade), ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay colaad ka dhex abuurayso Puntland iyo Galmudug, isagoo sabab uga dhigay diiwaan gelinta ay

Magaalada Tottenham ee dalka Ingiriiska oo lagu dilay Wiil Somali ah

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Fardowso Cismaan Cigaal ayaa ku sheegtay sababta keentay iney yaraadaan qaraxyadii ka dhici jiray Magaalada Muqdisho in gaadiidka lagu

Wasiirad hore oo Sharaxday sababta Muqdisho uga yaradeen Qaraxyada

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Fardowso Cismaan Cigaal ayaa ku sheegtay sababta keentay iney yaraadaan qaraxyadii ka dhici jiray Magaalada Muqdisho in gaadiidka lagu

Warbixin laga soo saaray Shil Diyaareed oo ka dhacay Duleedka Muqdisho

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa xaqiijisay shil diyaaradeed oo shalay ka dhacay meel qiyaastii 24 km koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho. Diyaaradda shilka gashay ayaa ahayd nooca DHC-5D Buffalo,
Ad
Previous articleXasan shiikh oo khudbad Xasaasi ah Ka Jeediyay Caruusha
Next articlePuntland oo Ciidamadii Ugu Badnaa Ku Daabulaysa Boosaaso Maxa soo kordhay?