19 qof ayaa lagu dilay labo weerar oo Israa’iil ay ka geysatay waqooyiga Gaza, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa difaaca rayidka ee Gaza.
Sida uu sheegay afhayeenku dadka la laayay ayaa u badnaa dumar iyo caruur.
Milateriga Israa’iil kama hadlin weerarka, balse waxay xoojiyeen duqeymaha cirka ah ee ay ka geysanayaan marinkaas tan iyo markii xabbad joojinta la jabiyay 18-kii Maarso, AFP ayaa qortay.
Goor sii horreysay oo maanta ah, warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in golaha ammaanka ee dalkaasi uu ansixiyay qorshe lagu ballaarinayo weerarka.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
Ad