Home Wararka Maanta Ugaaska Beesha Mareexaan oo Dalabkii Dowlada gashaanka U daruuray Jawaab adagna Soo...

Ugaaska Beesha Mareexaan oo Dalabkii Dowlada gashaanka U daruuray Jawaab adagna Soo Diray

0

Ugaas Maxamed Ugaas Axmed oo ah Ugaaska guud ee Beesha Sade oo la hadlay warbaahinta ayaa si adag ugu jawaabay dowladda federaalka kadib go’aankeeda ku aadan hubkii lagu dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Ugaaska ayaa ugu horreyntii nasiib darro ku tilmaamay in dowladdy ay u goodiso shacabkii gacanta ku dhigay hubkii sharci darrada ahaa ee lagu qabtay waqooyiga Galgaduud.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka aysan waxba kasoo qaadin qatar uu sheegay inay baajiyeen shacabka hubkaas gacanta ku dhigay, taasi beddalkeeda loogu beddalay xasuuq bahalnimo ah oo loo gaystay, sida uu hadalka u dhiga.

Ugaas Maxamed Ugaas Axmed ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in hubkan uu halis ku ahaa deegaanka, isla markaana uu u gacan geli lahaa kooxo qatar ku ah amniga, balse laga hortegay, kadib markii ay ka war heleen shacabka degmada Caabudwaaq.

“Sida la wada ogyahay, koox abaabulan, oo ka ganacsata hubka sharci darrada ah, ayaa saanad ciidan oo kontarabaan ah, soo gelisay waqooyiga Galgaduud,16-kii July 2024, hubkaas, oo ahaa mid aan lagu wargelin hoggaanka dhaqanka, madaxda maamullada iyo guud ahaan dadka deegaanka, ayaa qarka u saarnaa in uu gacanta u galo kooxo halis ah, qatarna galiyo amniga deegaanka, Galmudug iyo guud ahaan Dalka,” ayuu yiri Ugaas Maxamed.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in ciidamada amniga ee galbinayey hubkaas ay ku guul dareysteen n in ay shacabka ka qanciyaan walwalka amni ee la soo darsay, waxayna taas beddelkeeda ugu jawaabeen sida uu sheegay dagaal galaaftay 12 qof, laguna dhaawacay 50 kale.

Ugaaska waxaa kale oo uu ka hadlay qorshaha hadda socda ee lagu doonayo in lagu soo celiy hubkaasi, wuxuuna ku dooday in dhammaan beelaha Soomaaliyeed ay hubeysanyihiin, aysana jirin cid lagu sameeyey hub-ka-dhigis.

Gabagabadii wuxuu ka dalbaday dowladda dhexe ina si deg deg ah  u qaadato mas’uuliyadda shacabkii ku dhintay dagaalkii ka dhacay deegaanka Shiilmadow ee hoostaga degmada Caabudwaaq, maadaama halkaas ay dhibaato ka dhacday.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Galmudug iyo dowladda federaalka ay wadaan qorshayaal ku aadan sidii lagu soo celin lahaa hubkii lagu bililiqeystay waqooyiga gobolka Galgaduud, kaas oo dhaliyay walaac, maadaama uu galay gacanta shacabka.

Sirdoonka NISA oo Sheegay in Xubno ka tirsan Shabaab lagu dilay Sabiid iyo Caanoole

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa faah faahin looga bixiyay duqeymo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaanka Sabiid iyo Caanoole oo lagu bartilmaamaysaday horjoogayaal iyo dagaalamayaal ka tirsan Kooxda

Abiy Ahmed oo Sheegay in Itoobiya aysan Rabin Dagaalka Ereteriya si ay Bad u hesho

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisu aanu rabin in uu dagaal la galo waddanka Ereteriya si uu u gaadho Badda Cas, taasoo muddo dheer Addis Ababa ku taamaysay gaadhisteeda.

Gudiga Doorashada Somaliya oo Sheegay in Bisha June La Qabanayo Doorasho Qof iyo Cad ee Dowladaha Hoose

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaran ee Soomaaliya ayaa sheegay in doorashooyinkii ugu horreeyay ee qof iyo cod ee golayaasha deegaanka la qaban doono bisha Juun ee soo socota. Guddoomiyaha

Dowlada oo soo bandhigtay Magacyada Horjoogayaal ka tirsan Shabaab ee Duqeynta lagu dilay

Taliska Militariga Soomaaliya ayaa war uu soo saaray ku faah faahiyay magacyada horjoogayaal iyo nabadoono ka tirsan Al shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay lagu beegsaday bartamaha Soomaaliya. Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Degmada Cadale kula afuray Madax kala duwan iyo Saraakiil:- Sawiro

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa degmada Cadale kulan afur ah kula qaatay hoggaanka iyo siyaasiyiinta deegaanka, ciidammada shacabiga ah ee
Ad
Previous articleKala Taga Qoor Qoor iyo Xasan shiikh oo Caawa Banaanka Usoo Baxday Kadib Hubkii lagu Boobay caabudwaaq
Next articleMuxuu ahaa ninka Alshabaabka ahaa ee Shaabaduhu Ku xardhanaayeen ee Dagaalkii Shalay lagu Qabtay?