Rag burcad ah oo dhac u geysanayey shacabka ayaa xalay lagu qabtay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Taliska Ciidanka Boliska gobolka Banaadir oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in burcadan oo ka koobnaa labo nin ay ku hubeysnaayeen qoryo.
“Caawa 22/4/2023 abaaro 10:25pm waxay gacanta ku soo dhigeen Ciidanka Boliiska Saldhiga wadajir labo nin burcad ah kuwaasoo ku howlanaa falal burcadnimo, iyagoo ku hubeysnaa Qori Ak 47 iyo qori faal ah” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.
Labada nin ee burcada ah ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdiraxiin Aaran Cabduqadir oo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka & Abshir Cali Nuur oo aan la sheegin inuu ciidan ahaa iyo in kale.
“Waxaa la horgeyn doonaa Cadaalada” ayaa lagu soo gebagebeeyey qoraalka ka soo baxay Taliska Ciidanka Boliska gobolka Banaadir.
Burcada dhaca u geysata shacabka ayaa mudooyinkan ku soo badanayey xaafadaha magaalada Muqdisho, kuwaasoo qaarkood ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada amaanka dowlada.
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.
Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada