Home Wararka Maanta Turkiga oo shuruudo adag Ku xiray Sweden iyo Finland

Turkiga oo shuruudo adag Ku xiray Sweden iyo Finland

0

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa khadka taleefanka kula xiriiray madaxda dalalka Sweden, Finland iyo NATO.

Madaxweyne Erdogaan ayaa xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg u sheegay in Sweden iyo Finland aysan kusoo biiri karin NATO ilaa ay si cad u muujiyaan in ay Turkiga garab kasiin doonaan “arrimaha aasaasiga ah, gaar ahaan la dagaalanka argagixisada”.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Turkiga, Erdogan ayaa u sheegay ra’iisal wasaaraha Sweden Magdelena Andersson “Sweden waa in aad joojisaan taageerada siyaasadeed, dhaqaale iyo milateri ee aad siisaan ururada argagixisada” wuxuuna ku booriyay inay qaadaan tillaabooyin la taaban karo arintaasi la xiriirto.

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in la soo afjaro cunaqabateynta hubka ee ka dhanka ah Turkiga.

ra’iisal wasaaraha Sweden Andersson ayaa sidoo kale bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu doonayo in uu wanaajiyo xiriirka labada dal ee Sweden iyo Turkiga.

Maxaad ka ogtahay muhiimada Soomaaliya u leedahay diyaaradaha dagaalka ee Bayraktar Akinci

Labadii diyaaradood ee ugu horreyay oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akınci ,ayaa shalay gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo ay milkiyadooda leedahay Soomaaliya. Diyaaradaha oo ay ku xiranyihiin tiknoolajiyad

Dalalka Ruushka iyo Ukraine oo iska bur-biriyay Kaabayaasha Dhaqaale ee Muhiimka

Dowladaha Ruushka iyo Ukraine, ayaa wali sii wada duqeymo culus ay is dhaafsanayaan, kuwaa oo waxyeelo xooggan gaarsiiyay kaabayaal dhaqaale oo labada dalba muhiim u ahaa. Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin

Furuumaha Dagaalka ee Dowlada oo loo diray Dhaqaatiir iyo Gurmad Xoogan

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) ayaa furimaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir, gawaarida gargaarka degdegga ah iyo daawo luugu tala-galay in lagu taageero geesiyaasha xaq u dirirka ah

Dowlada Somaliya oo ka hadashey isku day dil uu ka badbaaday Madaxweyne Xasan Shiikh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay ka badbaaday qarax lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo galbineysay, xilli uu ka baxay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kuna sii jeeday farumaha hore ee

Dowlada Somaliya oo ku Dhawaaqday Xiliga la Qabanayo doorashada goleyaasha degaanka

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, G/ kuxigeenka Saadiq Abshir Garaad iyo qaar ka mid ah Xubnaha guddiga ayaa si wada jir ah u
Ad
Previous articleSakariye Siciid Salaad oo Goordhow Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa Dilkiisa
Next articleFahad yasiin oo Isaga Huleelay Magaalada Muqdisho