Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Turkiga oo Muujiyay Rajo ay ka qabaan Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro

Turkiga oo Muujiyay Rajo ay ka qabaan Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro

0

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay ka rajaynayso madaxweynaha cusub ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” in uu soo celiyo wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya. 

Cirro ayaa guul weyn ka gaaray doorashadii madaxweynaha ee dhacday 13-kii November, isaga oo helay in ka badan 64% codadka, taasi oo muujisay sida shacabka Somaliland ay qaati uga taagnaayeen hoggaanka Muuse Biixi.

Qoraal kasoo baxay safaarada Turkiga ee Soomaaliya, ayaa marka hore Somaliland ugu hambalyeeyey qabashada doorashooyin dimoqraadi ah, iyada oo lagu sheegay in ay tusinayaan in dadka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay dhaqangalinta dimoqraadiyada. 

“Waxaan hambalyo diirran u diraynaa Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro guushiisa doorashada ee Somaliland. Hab-maamuuska nabdoon ee doorashadu ku qabsoontay wuxuu muujinayaa sida shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay dhaqan-gelinta mabaadi’da dimuqraadiyadda” ayaa lagu yiri qoraalka. 

Turkiga ayaa sheegay in madaxweynaha cusub laga rajaynayo in uu soo celiyo wadahadalada, isla markaana uu ka shaqeeyo midnimada “Waxaan rajeyneynaa in hoggaankiisa uu kor u qaado wada-hadalada, midnimada, iyo barwaaqada guud ee gobolka”. 

Wadahadaladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya mudada dheer ayaa istaagay horaantii sannadkan kadib markii ay xukuumada xilka kasii dagaysa ee Madaxweyne Biixi ay heshiis dhinaca badda ah la gashay Itoobiya.

Turkiga ayaa marar badan isku dayey inuu isku soo dhoweeyo labada dhinac, balse illaa hadda kuma guuleysan. Hase yeeshee doorashada Cirro ayaa rajo cusub gelineysa wada-hadallada.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleSoomaali Badan oo Halmar Ku dhintay Badda ayagoo Tahriib ahaaa
Next articleXog Cusub oo kasoo Korartay Haashimkii Nauroobi Gabdhaha Soomaalida Ku laayay