Home Wararka Maanta Turkiga oo Bilaabay Baarista Shidaalka Soomaaliya iyo Markabkii Baari lahaa oo….

Turkiga oo Bilaabay Baarista Shidaalka Soomaaliya iyo Markabkii Baari lahaa oo….

0

Markab qaabilsan sahminta dhulka oo laga leeyahay Turkey ayaa la qorsheynayaa inuu xeebaha Soomaaliya soo gaaro dhammaadka October, si uu u billaabo raadinta saliid iyo gaaska dabiiciga, waxaa sidaas maanta ku dhowaaqday wasaaradda tamarta Turkey.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi tamar.

Heshiiskii bishii Maarso ayaa la xiriiray shidaal baarista iyo soo- saarista, wuxuuna u ogolaaday shirkadda Turkish Petroleum inay hesho shatiyada saddex goob oo ka mid ah badda Soomaaliya.

Markabka Oruc Reis ayaa sahmin doona aag dhan qiyaastii 5,000 km isku wareeg ah, sida ay sheegtay wasaaradda, ayada oo intaas ku dartay in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu Turkiga uga qeyb-gali doono Sabtida munaasabad lagu sagootinayo markabka.

“Waxaan saadaalineynaa in goobta uu ka shaqeyn doono Oruc Reis ay tahay gobol leh rajooyin shidaal,” ayuu wasiirka tamarta Alparslan Bayraktar ku yiri bayaan uu soo saaray.

Oruc Reis ayaa waxaa wehlin doona laba markab oo kuwa dagaalka ah, kana caawin doona inuu gaaro xeebaha Soomaaliya, isaga oo sii mari doono badda Mediterranean-ka, Kanaalka Suez iyo Badda Cas.

Bayraktar waxa uu sheegay in shirkadda Turkish Petroleum ay haysato shatiyada sahmin ee dhul-badeed loo qeybiyey saddex goobood oo ka kooban 15,000 oo km oo isku wareeg ah. Sahminta ayaa la filayaa inay socoto ilaa toddoba bilood.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleMaamulka Puntland oo Ka Hadlay Shirka Golaha WadatashiQaran ee Muqdisho Kasocda
Next articleWeerar Dhowr Jiho ah oo Alshabaab Looga Saaray Degaan Muhuiim ah oo Ka Tirsan Galmudug