Home Wararka Maanta Trump oo Markale Ka Badbaaday Isku day Lagu Khaarijin lahaa

Trump oo Markale Ka Badbaaday Isku day Lagu Khaarijin lahaa

0

Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa gelinki danbe ee Axaddii shalay ka badbaaday isku-day kale oo lagu khaariji rabay, xilli uu ku sugnaa beertiisa ciyaarta golf-ka lagu dheelo ee ku taalla magaalada West Palm Beach ee gobolka Florida.

Ciidanka ilaalada qarsoon ayaa sheegay in ay arkeen nin hubeysan oo isku qarinayay juq u dhaw halka uu golf-ka ku ciyaarayay Trump, kadibna ay rasaas ku fureen, ka hor inta uusan cararin.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in ninka falkan looga shakisanyahay uu goobta uga tagay qori nuuca daran-doorriga u dhaca iyo qalab kale, ka hor inta uusan ku cararin baabuur uu watay. Saraakiisha waxay kaloo sheegeen in Trump uusan wax dhaawac ah soo gaarin.

Waa isku-daygi labaad oo lagu dili rabay madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump oo ay fashilinayaan ciidamada ammaanka muddo 9 todobaad gudahood ah.

Trump oo ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada Mareykanka ee dhici doonta 5-ta bisha November ee soo socota ayaa isna qoraal kooban uu soo saaray ku sheegay in uu badqabo oo uu wanaagsan yahay.

Warbaahinta Mareykanka gaar ahaan The Associated Press, The New York Times iyo Fox News ayaa ku warrantay, in saraakiil ka tirsan kuwa amniga Mareykanka ay ka soo xigteen magaca ninka looga shakisan yahay isku-dayga dil, kaas oo lagu sheegay Ryan Wesley Routh oo ah 58 jir ah kasoo jeeda gobolka Hawaii.

Booliska ayaa sheegay in ninka tuhunsanaha ah laga soo qabtay jidka I-95 meel qiyaasti 65km u jirto beerta golf-ka Donald Trump. Ciidanka degmada Martin County ee gobolka Florida ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen.

Isku daygi hore ee lagu khaariji rabay Trump ayaa dhacay 13-ki bishi July, kadib marki wiil dhalinyaro ahaa oo marki danbe ay ciidamada amniga dileen uu meel sare kasoo toogtay Trump, kaddibna ka dhaacay dhegta.

Weerarkaas ayaa waxaa duubay kaamirooyinka telefishannada Mareykanka oo tabinayay hadal-jeedin uu Trump kula hadlayay taageerayaashiisa gobolka Pennsylvania.

Laanta Danbi-baarista Gudaha Mareykanka ee loo soo gaabdhso FBI ayaa sheegtay in ay billowday baaritaan ku aadan isku-dayga labaad ee lagu khaariji rabay Donald Trump.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleXoghayaha guud ee Urur gobaleedka IGAD oo maanta Kusoo Wajahan Magaalada Muqdisho
Next articleNinkii Sida Argagax Leh Warta Nabada Ugu Dilay Maaido oo Gacanta Lagu Soo Dhigay lana ogaaday Waxa ka dhaxeeyey