Home Wararka Maanta Trump Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax Xilka Madaxtinimo Mareykanka

Trump Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax Xilka Madaxtinimo Mareykanka

0

Donald Trump, ayaa tan iyo markii looga adkaaday doorashada 2020-ka waxa uu billaabay weerarro aan kala joogsi lahayn oo ka dhan ah hufnaanta codbixinta ee Mareykanka, waxa uuna Talaadadii markii saddexaad ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha Mareykanka ee doorashada 2024.

Trump ayaa ku dhawaaqistiisa uga gol-lahaa inuu ka hor-gudbiyo musharraxiinta kale xisbiga Jamhuuriga.

Trump oo rajeynaya inuu mar kale doorasho uga hortago madaxweyne Joe Biden oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayaa hadalkan ka sheegay gurigiisa Mar-a-Lago, ee gobolka Florida toddobaad kadib doorashadii xilliga dhexe oo ay Jamhuuriyiintu ku guuldarrayseen inay ku guulaystaan kuraas badan oo Congress ka ah sidii ay rajaynayeen.

“Si aan mar kale Ameerika uga dhigo mid weyn, caawa waxaan ku dhawaaqayaa in aan u tartamayo xilka madaxweynaha Maraykanka” ayuu Trump u sheegay dadkii isugu soo baxay xafladda ku dhawaaqista oo isugu jiray xubno qoys ka tirsan, kuwa dhaqaalaha ku taageera doorashadiisa iyo shaqaale hore.

Ku dhawaaqista Trump ayaa kasoo hormartay xilligii la filayay, waxayna calaamad u tahay rabitaankiisa ah inuu ka dhaadhiciyo musharraxiinta kale ee suurtagalka ah sida guddoomiyaha gobolka Florida Ron DeSantis ama madaxweyne ku xigeenkiisii hore, Mike Pence, inuu u tartamo musharaxnimada Xisbiga Jamhuuriga.

Siyaasiyiinta kale ee rajada ka leh madaxweynaha ee ka tirsan Jamhuuriga waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Gobolka Virginia Glenn Youngkin, Guddoomiyaha Texas Greg Abbott, Guddoomiyihii hore ee South Carolina Nikki Haley iyo Xoghayihii hore ee Arimaha Dibada Mike Pompeo.

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Ad
Previous articleQeybinta Qaxootiga ee Degmooyinka oo isbadal lagu Sameenayo Sida Dowlada Sweden Sheegtay
Next articleCiidamada Danab oo howlgal ku burbriyey saldhigyo ay lahaayeen Shabaab