Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Trump oo Amaan Ugu Qubeeyey Erdogaan

Trump oo Amaan Ugu Qubeeyey Erdogaan

0

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa amaanay doorka uu Turkiga ku lahaa isbedelka ka dhacay dalka Suriya.

Mar uu hadal jeediyay isago ku sugan barxadda Mar-a-Lago ee gobolka Florida, yaa waxaa uu ridistii Bashaar-al-Assad ku tilmaamay “xukun qab dagaal lagula wareegay” oo Turkigu hogaaminayo.

Dhanka kale, Donald Trump, ayaa madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan ugu yeeray “hogaamiye aad u caqli badan”.

Trump ayaa sidoo kale dhaleeceeyay ficillada arxan darrada Bashaar al-asad isagoo ku tilmaamay inuu yahay “dilaa”.

“Waxaan aaminsanahay in madaxweynaha uu yahay nin xariif ah oo adag, Turkigu wuxuu kula wareegay Suuriya qaab saaxibtinimo ka fog iyadoo aanay dad badan ku dhiman, waxaan dhihi lahaa Asad waxaa uu ahaa kawaanle marka la eego waxa u uku sameeyay carruurta Suuriya”, ayuu yiri Trump.

Ad
Previous articleRaysulwasaare Xamse oo Xalay Ka Farxiyay Dadka Muqdisho
Next articleDowlada Soomaaliya oo ka laabanaysa go,aankii Ciidamada Itoobiya looga saaraayay Soomaaliya