Home Wararka Maanta Thomas Tuchel oo Hogaanka U Qaban Doona Kooxda Real Madrid

Thomas Tuchel oo Hogaanka U Qaban Doona Kooxda Real Madrid

0

Thomas Tuchel ayaa noqday tababaraha ugu cadcad ee la filayo inuu noqdo macallinka Real Madrid ee beddeli doona Carlo Ancelotti, haddii uu khabiirkaa Talyaanigu go’aansado inuu iskaga tago Santiago Bernabeu dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo la sheegayo inuu kusii jeedo waddanka Brazil oo xulka qaranka dalkaasi doonayo inuu u beddelo Tite.

Carlo Ancelotti oo qandaraaskiisa Real Madrid uu sannad ka hadhsan yahay ayaa dhowaan sheegay in aanay qorshihiisa ku jirin inuu ka tago Real Madrid, haddii aanay kooxdu eryin, laakiin waxa isasoo taraya wararka ku xidhiidhinaya xulka qaranka Brazil, inkasta oo uu caddeeyey in aanay wali cidina lasoo hadal.

Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa la sheegay, in uu durba kala xulanayo tababareyaasha u beddelaya Carlo Ancelotti, waxaana uu haystaa liis uu ugu sarreeyo Thomas Tuchel, sida uu qoray wargeyska Fichajes ee kasoo baxa waddanka Spain. Thomas Tuchel oo Chelsea kula guuleystay Champions League, ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo bishii September oo Blues ay si lama filaanah uga caydhisay shaqada.

Fichajes ayaa intaa ku daray, in liiska tababareyaasha uu Perez kala xulanayo uu kaalinta labaad kaga jiro Mauricio Pochettino oo aan wax shaqo ah qabanin tan iyo markii ay PSG shaqada ka eriday dhamaadka xilli ciyaareedkii hore.

Dookha saddexaad ayaa ah halyeygii Real Madrid ee Raul Gonzalez oo haddana ah tababaraha da’yarta Real Madrid. Raul ayaa Los Blancos oo uu kulliyaddeeda kasoo baxay u ciyaaray 18 sannadood, waxaase uu dhamaadkii waayihiisa ciyaareed waqti kooban usoo ciyaaray Schalke 04.

Tababarihii xulka qaranka Germany ee Joachim Low ayaa sidoo kle uu magaciisu ku jiraa liiska oo uu waliba yahay dookha afraad.

Ad
Previous articleMadaxweyne Rajab dayib Erdogan oo Safiir Cusub usoo Magacaabay Soomaaliya
Next articleGalmudug oo Diyaarisay Ciidamo badan oo Dhawaan ku wajahan Degmooyinka Ceelbuur iyo Xarardheere (Sawirro)