Dowlada Dhexe ee Federaalka ayaa xilka kaqaaday Taliyihii ciidanka Danab ee magaalada Kismaayo. Taliye Carab Dheeg ayaa dhowaan sheegay in darajooyin ciidan oo marar badan ay codsadeen loodiiday.
Taasi badalkeedana ay dowlada dalacsiin u samaysay isbuucan dhexdiisa askar badan oo daraawiishta Jubbaland ee Raaskambooni laga qaaday.
Ciidanka Danab waxaa si qaas ah u tababara gacantana kuhaya Dowlada Maraykanka. balse nidaam ahaan waxay hoostagaan Taliska Gaashaandhiga Dowlada Dhexe ee Federaalka.
Ad