Xog lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa xaqiijinaysa in Taliyaha Ciidamada Militariga Somaliland lagu sameeyay shaqo joojin, galabnimadii Axadda ee toddobaadkan.
Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale maalintaas banneeyay dhammaan difaacyadii dhinaca magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, halkaasi oo muddo ku dhow bil uu ka socda dagaal u dhaxeeya Somaliland iyo dadka deegaanka.
Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, madaxweyne Muuse Biixi ayaa si ku meel gaar ah Taliska guud ee Ciidamada Somaliland ugu dhiibay S/Guuto Faysal Cabdi Bootaan oo hadda hoggaaminaya dagaalka.
Somaliland ayaa rumeysneyd in si fudud ugu guuleysan karto dagaalka kuna qabsan karto magaalada Laascaanood, oo aysan dadka deegaanka is-hortaagi karin, hase yeeshee bil kadib waxaa weli magaalada ka socda dagaalka, ayada oo laga saari la’yahay ciidamada deegaanka.
Arrintan ayaa horseeday cambaareyn caalami ah oo ka timid beesha caalamka, oo marar badan soo saartay qoraallo lagu cambaareynayo dilalka shacabka.