Home Wararka Maanta Taliye Sayid-Cali Cabdi Cadde oo ugu danbayn Maanta La aasay Kadib maalmo...

Taliye Sayid-Cali Cabdi Cadde oo ugu danbayn Maanta La aasay Kadib maalmo uu Maydkiisu ku jiray Qaboojiye

0

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta lagu aasay allaha u naxariistee Sayid-Cali Cabdi Cadde oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, kaas oo dhowaan lagu dilay iska hor imaad ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Aaska marxuumka ayaa yimid, kadib markii xal laga gaaray xiisad kal dhalatay dilka sarkaalkan oo ay si wayn uga caroodaan ehelladdiisa oo dibad-bax ka dhigay Muqdisho.

Arrinta xalka keentay ayaa ah in Hay’adda NISA ay dhabarka u ridtay kiiskaasi, waxana bixisay magta marxuumka, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Moobleen.

“Hay’adda NISA ayaa dhabarka u ridatay khaladkii dhacay, iyada ayaa nagala xaajootay, waxayna bixiyeen diyadii wiilka oo ku dhow 100 halaad oo Geel ah” ayuu yiri Xildhibaanku.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dilka Sayid-Cali uu ahaa mid kam ah, isla markaana aanu ahayn ku talagal, sidaas daraadeedna lagu heshiiyay in la kala qaato diyo.

“Wuxuu ku dhintay isku dhac ciidan oo aan loogu talagelin runtii, waana ka xunahay,” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Moobleen.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxyaabaha baraha bulshada bulshada la marinaayo oo aan fiicnayn in laga dhaafo Sayid-Cali wuu naga wada dhintay, maanta waa naga hooseeyaa inaan u duceyno ayuu naga mudan yahay”.

Sayid-Cali Cabdi Cadde ayaa ahaa sarkaal firfircoon, wuxuuna ahaa taliyaha guutada Gumac ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana la dilay isaga oo markii kasoo laabtay furinta hore ee dagaallada ka socda gobollada dhexe ee dalka.

Marxuumka ayaa sidoo kale kamid ahaa ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea, wuxuuna ka qayb-qaatay dagaallo badan oo dhul ballaaran looga xoreeyay Al-Shabaab.

Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa marar badan kusoo noq-noqday magaalada Muqdisho, waxaana horay sidaan oo kale loo dilay saraakiil iyo askar ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDaacigii Ka Tirsanaa Ciidanaka mitateriga Soomaliya oo Xil Sare loo Magacaabay
Next articleDowlada Soomaaliya oo Si cajiib ah uga jawaabtay eedii ahyd inay duqayn ku laayeen Dad Shacab ah