Home Wararka Maanta Taliye Odowaa Yuusuf Raage oo Ceebwayn kala Kulmay Xilwareejintii Shalay ee Madaxweynaha...

Taliye Odowaa Yuusuf Raage oo Ceebwayn kala Kulmay Xilwareejintii Shalay ee Madaxweynaha Soomaaliya

0

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa wajahaya fadeexad iyo wejigabax kadib markii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shalay qiray in ciidamadii ugu badnaa ee Soomaaliyeed tababar loogu qaaday dalka Eritrea.

Taliye Odawaa Yuusuf Raage, oo horay ugu jawaabayay eedeeyn uu madaxweyne Xasan Sheekh u jeediyay Farmaajo kahor inta aan la dooran ee uu mucaaradka ahaa oo ku aadaneyd ciidanka la geeyey Eritrea, ayaa beeniyay islamarkaana sheegay inaysan jirin ciidan Soomaaliyeed oo dalka Eritrea ku maqan.

“Eritrea ayaa ciidan loo qaaday anigu ma garanayo, wasiirkana meel kaloo ciidan ka keenayo ma aysan jirin. Eritrea ciidan loo qaaday oo xoogga dalka ka tirsan anigu ma ogi taas,” ayuu yiri Taliye Odowaa Yuusuf Raage oo ka hadlay golaha shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si kastaba munaasabadii xil wareejinta ee shalay ka sheegay xaqiiqda ciidankaas xili uu goobta ku sugnaa Odawaa Yuusuf Raage, islamarkaana feylashooda uu ku wareejinayay Xasan Sheekh.

Arrintan ayaa fadeexad iyo ceeb ay ku noqotay Taliye Odawaa Yuusuf Raage oo laga duubay beentaasi, haddana qof kasta uu daawan karo.

Baraha bulshada ayaa si weyn loo wareejinayaa hadalkii Odawaa iyo khudbadii Farmaajo ee qirashada, waxayna dadka ku maadeysanayaan hadalka taliye Odawaa.

 

 

Dagaalka Khartuum oo Xoogeestay iyo Ciidanka RSF oo la go’doomiyay

Ciidanka milatariga dalka Sudan , ayaa weerar culus oo u muuqda soo afjarid ku qaaday saacado kahor goobaha ay magaalada Khartuum kaga sugan yihiin ciidanka gurmadka deg degga ee RSF,

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Howlgalo ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeellaha Dhexe

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay. Saraakiisha hoggaamineysay

Hay’adda NISA oo rag ka tirsan Al-shabaab kusoo qabtay Howlgallo ay ka sameeyeen Dayniile iyo Dharkeenlay

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa
Ad
Previous articleGolaha Amaanka Qaramada midoobay oo Ka Arinsaday xaalada Soomaaliya
Next articleMooshin Culus oo Ka dhan ah laftagareen oo Bilowday Xili Farmaajo Laga Adkaaday