Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa caawa u hoyday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, sida saaraakiil ka tirsan Taliska Xoogga ay Warbahintu u sheegeen waxaa taliyaha u bilowday safar uu ku marayo degmooyinka ay yaallaan difaacyada ugu dambeeya uga jiraan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Safarka Taliye Odowaa Yuusuf ayaa ku soo aadaya xilli maanta ilaa shalay ay meelo kala duwan ka soo yeereen warar sheegaya inay furimaha dagaalka isaga baxeen ciidamo ka gadooday dil wadareedkii askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka ay maleeshiyaad hubeysan qaab qabiil ugu geysteen deegaanka Ceelbaraf ee Sh/Dhexe.
Taliyaha ciidamada Gorgor ee degmada Xarardheere Cali Cagey ayaa maanta beeniyey in ciidamada xoogga dalka ay ka baxeen furimaha dagaalka ee degmadaas, isagoo sheegay in marnaba aysan jebi doonin amarka dowladda iyo difaaca qaranka oo ay u dhaarteen.
Sidoo kale dowladda ayaa xalisay ciidankii shalay gadooday ee ka soo baxay furimaha deegaanka Xawaadley ee galbeedka degmada Balcad, kuwaas oo ka carooday in saaxiibadood kala tirsanaa ciidanka jidka loo galay oo aano qabiil loo dilay.
Taliyaha xoogga ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu isku maro fulimaha ay joogaan ciidamada xoogga dalka, sidoo kale waxaa socota qiimeynta qaabka loo bilaabi karo howlgallo cusub oo dalka inta ay ka joogaan looga xoreynayo Khawaarijta.
In ciidanka xoogga dalka ay caroodaan oo qeylo dhaan cusub ay ka soo yeerto furimaha dagaalka waxaa sababtay dhacdadii naxdinta laheed ee maalmo ka hor maleeshiyo beeleed hubeysan ay ku dhaqaaqeen, kuwaas oo jidka u galay kadibna laayey 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.
Arrintaan waxay noqotay mid aad looga murugooday, dalka oo dhan waxaa is qabsatay qeylo dhaan sababtay, in meelaha qaar ay ciidanku gadoodaan, Taliyaha Xoogga Jeneraal Odowaa ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii dib loo soo magacaabay u baxay furimaha, wuxuuna caawa ku hoyanayaa Ceeldheer oo ka mid ah magaalooyinka ay ka soo yeertay qeylo dhaanta gadoodka ciidanka xoogga ee ka damqaday wixii ka dhacay Ceelbaraf.