Home Wararka Maanta Taliye Macallin Mahdi oo shaaciyay Sababta keentay amniga Muqdisho Soo Hagaagay

Taliye Macallin Mahdi oo shaaciyay Sababta keentay amniga Muqdisho Soo Hagaagay

0
Taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir, G/ Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) oo ka qayb-galay kulan su’aallo lagu weydiinayay isaga iyo mas’uuliyiinta gobolka Banaadir ayaa ka hadlay amniga Muqdisho.
Macallin Mahdi ayaa shaaca ka qaaday in isbeddal weyn oo amni haatan laga dareemayo caasimada, kadib dadaallo ay sameeyeen wixii ka dambeeyay bishii Ramadaan.

Taliyaha ayaa xusay inay yaraadeen dilalkii iyo qaraxyadii ka dhici jiray caasimada, wuxuuna sheegay inay ku timid howlgallada ay wadaan iyo isbeddallada socda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in afar arrimood ay keentay amniga iyo xasiloonida haatan ka jirta magaalada Muqdisho, kuwaas oo kala ah: Shacabka Soomaaliyeed oo la shaqeeyay ciidamada amniga lana dagaalay Shabaab, dagaalka lagu beegsaday dhaqaalaha Shabaab, wada shaqeynta hay’adaha ammaanka iyo sidoo kale xakameynta hubka waa weyn.

“Shacabka Soomaaliyeed oo ku kacay oo dhibaateynaya ayaa naafo ku ah ebel waa iska jiifan jireen canshuur ayay ka qaadan jireen dhaqaale ayay ka heli jireen, runtii door muhiim ayay ka qaadatay xasiloonida magaalada” ayuu yiri taliye Macallin Mahdi.

Waxa kale oo uu ku daray “La dagaalanka dhaqaalaha door fiican ayay xukuumadda iyo dowladda qaadeen sida aad la socotaan inta qofka dhaqaale uu haysto waa inta uu sii jiri karo”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dhaq-dhaqaaqyadooda iyo howlgallada ay sii wadi doonaan, ayna ka hortagi doonaan wax kasta liddi ku ah amniga caasimada.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada ammaanka dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska iyo ciidamada cusub Boolis Militari ayaa isku fidiyay Muqdisho, taas oo keentay inay nafis weyn dareemaan shacabka ku dhaqan caasimada oo horay u wajahayay xaalado amni darro.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa haatan wajaheysa culeys xoogan, waxaana sidoo kale lagu jabiyay inta badand dagaallada kas socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Ad
Previous articleWar Cusub oo kasoo Kordhay Xilkii la Sheegay in loo Magacaabay Jihaan Xasan Shiikh
Next articleBooliska Jabuuti oo Xiray 3,000 qof Sheegayna Inay Musaafirin Doonaan