Home Wararka Maanta Taliye ciidan oo si arxan dara ah loogu dilay Magaalada Hargaysa

Taliye ciidan oo si arxan dara ah loogu dilay Magaalada Hargaysa

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday gudaha magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, kaddib markii taliye ciidan si arxandarro ah loogu dilay magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in taliyihii saldhigga degmada Maxamed Mooge, oo lagu magacaabi jiray Gaashaanle Cabdi Cali Nuur, lagu dilay mindi ama toorrey, kaddib markii uu si gaadmo ah weerar ugu soo qaaday askari ka mid ahaa ilaaladiisa.

Sida ay ogaatay Warbaahintu, askariga dilka geystay waxaa taliyihiisa kala dhaxeeyay khilaaf hoose, isaga oo kaddib si gaadmo ah toorrey ugu dhuftay. Taliyaha ayaa markii hore dhaawacmay, balse ugu dambeyn u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Ilaa iyo hadda faahfaahin rasmi ah lagama bixin waxa uu salka ku hayay khilaafka askariga iyo taliyihiisa ee sababay in la dilo marxuum Gaashaanle Cabdi Cali Nuur, oo ka mid ahaa saraakiisha firfircoon ee ciidamada booliska Somaliland.

Taliska Booliska Somaliland oo war kasoo saaray dhacdadan ayaa ka tacsiyeeyay geerida taliyaha, wuxuuna sidoo kale sheegay in eedeysanaha gacanta lagu hayo, isla markaana si deg deg ah loo horgeyn doono cadaaladda.

“Alle naxarisitii janno haka waraabiyo marxuum Gaashaanle Cabdi Cali Nuur, oo ahaa Taliyihii Saldhiga Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa, kaas oo maanta shaqadiisa ku guda jiray si argagax leh loo dilay , waxaana dilka gaystay Askari ka tirsan isla Saldhiga Maxamed Mooge , Eedaysanaha ayaa hadda ku jira gacanta Ciidanka, waxaana si degdeg ah loogu horgayn doonaa Maxkamadda Ciidamada” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay dilka taliyaha, waxaana dadka ay su’aalo ka keenayaan waxa keeni kara in askari dable ah uu si arxandarro ah u dilo taliyihiisa.

Somaliland waxaa mararka qaar ka dhaca dilal kala duwan, waxaana ugu dambeeyay dil shalay ka dhacay magaalada Burco. Si kastaba ha ahaatee, ciidamada ammaanka ee maamulkaasi ayaa inta badan ka daba taga dambiilayaasha, soona qabta.

Ad
Previous articleWararkii ugu danbeeyey Wadahadalada Soomaaliya iyo Itoobiya oo ankara ka Furmay
Next articleAlshabaab oo Maantay Laga Saaray Deegaano badan lagana dilay rag badan