Home Wararka Maanta Taliye Carab oo Xalay lagu Dilay Degmada xamar Jajab iyo Ragii Dilay...

Taliye Carab oo Xalay lagu Dilay Degmada xamar Jajab iyo Ragii Dilay oo la Qabtay

0

Kooxo burcad hubeysan oo dad shacab ah ka dhacayay moobeelo ayaa xalay degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir, waxa ay ku dileen sargaal katirsanaa ciidanka booliiska ee ka howlgala saldhiga degmadaasi.

Ciidamo booliis ah ayaa si deg deg ah ugu baxay howlgal ay uga hortagayeen burcada hubeysan ee dadka shacabka ah dhaca u geesanayay, waxaana qeybo kamid ah degmada Xamar Jajab ka dhacay iska horimaad u dhaxeeyay ciidanka iyo burcada.

Iska horimaadka ka dhacay degmada Xamar Jajab ayaa la sheegay in uu ku dhintay Cali Xasan Shiiraar (Taliye Carab) oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka booliiska ee ka howlgalla degmada Xamar Jajab.

Intaas Kadib Waxaa Gacanta Lagu Dhigay Mid kamid Ah Burcadii Dadka Dhacay Dilayna Taliye Carab.

Laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir ayaana wali faah faahin ka bixin falkan lagu dilay sargaalka katirsanaa ciidanka booliiska, sidoo kale lama oga in ciidamada ku guuleesteen qabashada burcada dilka geesatay .

Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayay burcada hubeysan ee dhaca u geesata dadka shacabka, burcadan ayaana mararka qaar dil ama dhaawac u geesta dadka moobeelada isku dhejiya.

Ad
Previous articleCiidamada Danab oo Gacanta Ku Dhiigay Hoogaamiyahaan oo Si Wayn loo Baadi Goobaayay.
Next articleAlshabaab oo Dab Qabadsiiyay Gaari Iyo Alaabtii U Siday oo Ku Wajahnaa Jowhar