Home Wararka Maanta Taliyaha Danab ee Puntland oo kahor yimid rabitaanka Madaxweyne Deni iyo Xiisad...

Taliyaha Danab ee Puntland oo kahor yimid rabitaanka Madaxweyne Deni iyo Xiisad ka taagan Garawe

0

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay diiwaan-gelinta doorashada qof iyo cod ee lagu wado inĀ  ay ka bilaabato gobolka Nugaal.

Taliyaha Ciidamada Komandooska Puntland Generaal Jimcaale Jaamac Takar iyo saraakiil la socota ayaa si adag uga horyimid in diiwaan-gelin doorasho laga sameeyo gobolka Nugaal gaar ahaan magaalada Garawe.

Gen. Jimcaale Takar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan Garoowe ka dhici doonin diwaan-galin doorasho oo laysku khilaafsan yahay, waxa uuna cadeeyay masuuliyada wixii ka dhasha arrintan ay qaadi doonto cidii ku dhaqaaqda.

Waxa uu sheegay jeneraalka in dalku waajib ka saaran yahay ayna u dhaarteen Ā ilaalinta dastuurka iyo sharafta dadweynaha, waxa uuna xusay in aysan cidna uga ganbaneen ku xadgudubka dastuurka iyo rabitaanka dadweynaha.

Magaalada Garawe ayaana laga soo sheegayaa in ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay hadalka kasoo yeeray jeneraal Takar iyo saraakiisha la socota, ciidamo ka ammar qaata Madaxweyne Deni ayaana dhaqdhaaqyo kawada Garawe.

Jeneraalkan kahor yimid diiwaan-gelinta uu rabo Madaxweyne Deni in laga sameeyo gobolka Nugaal ayaa xukuma ciidamo xoogan oo degan duleedka Garoowe, ciidankan oo ah kuwa kumaandoos ah oo lagu magacaabaa Danab.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Raā€™isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleWararkii ugu danbeeyey Shiinaha oo si kulul uga hadlay buufinkii laga shakiyay ee Mareykanka qarxiyeen
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Xiisadii Ka Taagbayd Magaalada Hobyo oo Heshiis Hordhac ah Laga Gaaray