Home Wararka Maanta Taliyaha ciidanka dhulka xogga ee Dhawaan la magacaabay oo Gaaray Degmada biyacadde

Taliyaha ciidanka dhulka xogga ee Dhawaan la magacaabay oo Gaaray Degmada biyacadde

0

Taliyaha ciidanka dhulka xogga dalka soomaliyeed G/ sare dayax cabdi cabddulle ayaa gaaray Degmada biyacadde ee gobalka Shabelaha dhexe.

Saraakiil ka tirsan guutada 4aad ururka 12 aad qaybta 27-aad ee CXDS oo fadhigodu yahay degmada biya cadde ayaa ku soo dhaweeyay degmada iyagoo uga warbixiyay xaaladda amni ee degmada iyo shaqada huffan ee ay u haayaan shacabka ku dhaqan degmada iyo deegaanada ku teedsan .

Taliyaha ayaa ciidanka ku bogaadiyay howsha xariirta ah ee ay haayaan shacabka isagoo kula dar daarmay ineey sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan suggidda amniga .

Sidoo kale taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed G/ sare dayax cabdi cabddulle ayaa inta uu ku sugan yahay degamada biya cadde booqan doona fariisimaha ciidamada deegaanka ay ku lee yihiin degmada biya cadde.

Ad