Home Wararka Maanta Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya oo Gudiga Doorashada kala hadlay hanaanka Amni ee...

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya oo Gudiga Doorashada kala hadlay hanaanka Amni ee Doorashooyinka qof iyo Codka ah

0

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta kulan la qaatay guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo Soohdimaha Cabdikarim Axmed Xasan oo uu wehlinaayay ku xigeenkiisa Saadaq Abshir Garaad.

Kulanka ayaa ahaa mid labada dhinac ay  diiradda ku saareen sidii Booliiska Soomaaliya uu u xaqiijin lahaa amniga doorashada qof iyo codka ah oo lagu wado iney ka dhacdo dalka.

Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa guddiga doorashooyinka iyo Soohdimaha u balan qaaday in Booliiska Soomaaliyeed uu si buuxdo ugu diyaar garoobay xaqiijinta amniga dalka iyo kan doorashooyinka qof iyo codka ah.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa u diyaarsan sugidda amniga Doorashada waxayna awood buuxda u leeyihiin ilaalinta goobaha cod bixinta iyo habsami u socodka Doorashada dhawaan la rajeynayo in Dalka laga hirgeliyo” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Kulanka ayaa qeyb ka noqoya kulamo gooni gooni ah oo ay Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ay ku doonayaan in dalka ay kaga hirgaliyaan qabashada doorasho daahfuran oo hufan.

Ugu dambeyntii kulanka ayaa labada dhinac waxay isku wafaqeen in dhawaan loo howlgalo sidii loo dejin lahaa qorshaha sugidda amniga doorashada degmooyinka, iyadoo laga wada qayb gelinaayo dhamaan heerarka kala duwan ee hay’adaha amniga dalka.

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,

Raisal Wasaare Xamze oo Magacaabay Wasiiro Cusub Kadib Isku Shaadheyn uu Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamze Abdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah: 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi –

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay

Madaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya
Ad
Previous articleMaamulka Puntland oo Diyaar garow Xoogan ugu jira Dagaalka Daacish
Next articleWasiir Fiqi oo ka hadlay Marin Badeedka la siiyo Dowlada Itoobiya isagoo u quus gooyay Rajada Abiy Ahmed