Home Wararka Maanta Taliska Xooga Dalka oo Wacad ku Maray inay Alshabaab Mudo bil ah...

Taliska Xooga Dalka oo Wacad ku Maray inay Alshabaab Mudo bil ah kuss Afjarayaan

0

Taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed Generaal Maadeey Sheekh Nuur Ufuroow ayaa galabta ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, isagoo sheegay in bishaan lagu jiro ee Juun aysan la dhaafi doonin kooxda Al-Shabaab.

Jeneraal Ufurow ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay gaareen dhamaan goobihii ay duulaanka ka qaadi lahaayeen, isagoo balan qaaday, inay maalmo gudahood ay ku soo qabqaba doonaan kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa hadalkaan ka sheegay kulan maanta uu furay Ra’iisul Wasaaraha XFS, kaas oo ku saabsanaa barnaamij loogu magac daray “Hooyo u Hiilli Qarankaaga,” oo lagu muujinayo kaalinta muhiimka ah ee hooyooyinka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin amniga iyo xasillinta dalka.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed maanta waxay sugayaan kaliya in la dhaho xabadda bilaaba, xiligaan aan idinla hadlaayo ciidanka qeyb kasta meeshii loogu talagalay ayey ku sugan tahay, guusha waxay haya Allaah, laakiin anaga iyo Shabaab bishaan Juun islama dhaafi doono insha allah,” ayuu yiri Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidankii ugu dambeeyey ee xoogga dalka ay maalmo ka hor Muqdisho ka baxeen, “Mudane Ra’iisul Wasaare, ciidan aan rabno inay dagaal galaan maanta Xamar nagama joogaan, waxaa loo jiheystay furimaha dagaalka, waxay sugayaan amarkii ay xabadda ku bilaabi lahaayeen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliyaha.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo barnaamijka “Hooyo u Hiilli Qarankaaga” daahfuray ayaa si qoto dheer uga hadlay sida ay haweenku u yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee dhisidda nabadda iyo amniga, waxuuna tilmaamay in Hooyooyinku ay leeyihiin awood gaar ah oo ay ku baraarujiyaan bulshooyinka, una horseedaan xasillooni iyo is-aaminaad.

Waxa uu sheegay in kooxaha Khawaarijta ah iyo qabylaaddu ay yihiin hooyada danbiyada iyo xumaanta, loona baahan yahay in wadajir loogu istaago ciribtirkooda, isaga oo ku adkeeyey hooyooyinka Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan sidii guryaha looga soo saari lahaa kuwa danbiyada geysanaya ee ku dhex dhuumanaya shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay haweenka Soomaaliyeed in ay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan dagaalka Khawaarijta, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay diyaar u tahay in ay taageerto haweenka, si ay u gaaraan himilooyinkooda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in hooyooyinku ay yihiin furaha horumarinta iyo badbaadada Qarankeenna. Wuxuuna ugu baaqay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada in ay garab istaagaan hooyooyinka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah oo horumarsan.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleNISA oo Xabsiga Ku Gurtay Ganacsato Alshabaab Lacago Siinaayay
Next articleDagaala Qaraaar oo Saacado Badan Qaatay iyo Talihii Booliska Baardheere oo Ku Dhintay