Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Galmudug Axmed Cabdi Shaalaco, Gudoomiyaha Degmadda Guriceel Faarax Fataate, ku xigeenkiisa Abdishakuur Indho, Taliyaha Booliiska Degmadda Guriceel Cismaan Cali Hudeey iyo Masuuliyiin kale ayaa maanta si wadajir ah u daah-furray Taarkadda Galmudug oo Gaadiidka ka shaqeeya Degmadda Guriceel ay isticmaali doonaan.
Wasaaradda Gaadiidka Galmudug ayaa sheegtay in guud ahaan Deegaanadda Maamulku ka shaqeeyo laga hirgalinayo Taarkadda Galmudug si gaadiidka ay u yeeshaan Summad tixraac leh oo Wasaaraddu aqoonsantahay.
Ad