Qaar kamid ah mas’uuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si hoose ugu ololaynaya musharrixiin kale, sida ay sheegayaan xogo lagu kalsoon yahay.
Tallaabadan ayaa sida la saadaalin karo hoos u dhac ku keeni karta ololaha dib-u-doorashada musharrax Siciid Deni, maadaama xubno ka tirsan dowladdiisa ay u ololaynayaan musharrixiin kale.
Doorashadii Puntland ee 2019 ayaa lagu xasuustaa in mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumaddii Gaas ay si hoose ugu ololayn jireen musharrixiin uu ku jiro Siciid Deni taasi oo wiiqday dib-u-doorashadii Cabdiweli Gaas.
Saciid Deni ayaa hadda u muuqda inuu marayo isla dhabbahaas, waxaana tani ay meesha ka saari kartaa hamigiisa ah in mar kale dib loogu doorto madaxweynaha Puntland.
Dhinaca kale, guddoomiyihii golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa mar kale xaqiijiyay kursigiisa xildhibaanimo ee Baarlamanka cusub sida ay tilmaamayaan warar hordhac ah.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in guddoomiye Cabdirashiid uu mar kale ka soo muuqaan doono liiska sagaalka xildhibaan ee laga soo doorto Sanaag iyo Haylaan.
Dhinaca kale weli ma cadda in Abwaan Cabdirashiid uu mar kale u tartamayo kursigiisi guddoomiyaha Baarlamanka dowladda Puntland iyo in kale inkastoo hadal-hayntaasi jirto.