Maxkamadeynta labo waalid oo ku nool magaalada BorĂ¥s ayaa shalay oo Arbaca ah ka bilaabatay eedeymo la xiriira dayacaad weyn, kaddib markii saddex carruur ah oo ay dhaleen ay la ildaran yihiin ilko dalool oo aad u daran.
Dayaca Caruurtaan ee dhanka ilkaha ayaa keentay in dhowr ilkood laga soo saaro, halisna u gelineyso dhibaato caafimaad mustaqbalka.
Waalidiinta ayaa wajahaya xabsi haddii lagu helo dambiga, sida uu sheegay P4 Sjuhärad .
Dhakhaatiirta Ilkaha ee ku sugan PorĂ¥s ayaa u sheegay maamulka xaalada sii xumaanaysa ee caafimaadka ilkaha carruurta.
Sida ay sheegtay xeer ilaalinta, baaritaanno lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday in mid ka mid ah carruurta uu u baahday siddeed ilkood in laga soo saaro suuxinta guud, halka walaalaha kale ay sidoo kale soo gaareen dhaawac halis ah oo keeni kara dhibaatooyin mustaqbalka.
Somaliska Stockholm