Baaritaan uu sameeyay Raadiyaha Iswiidhen ayaa lagu ogaaday cillado isdaba joog ah oo ku yimid daryeelka maskaxeed ee la tacaalida kiiska gabar 11 jir ah oo nafteeda is dishay sanadkii hore.
Baaritaanka ayaa muujiyay in gabadhan oo lagu magacaabo Brenna aysin helin wax wadahadal ah oo daaweyn ah, inkastoo la shaaciyay fikradaheeda isdilka iyo rabitaankeeda ah inay nafteeda waxyeeleyso. Daawaynta kaliya ee ay ka heshay daryeelka dhimirku waxay ahayd dawooyin.
Hokan Garbin oo ku takhasusay cudurrada dhimirka ee carruurta, oo dib u eegis ku sameeyay diiwaanka caafimaadka ilmaha, ayaa yidhi: “Daryeelku waa in aanu ku koobnaan siinta dawooyinka, gaar ahaan xaaladdan adag ee gabadhan samaysay waxyaabo khatar ah si ay nafteeda u dhaawacdo.”
Brenna waxay aaday xarunta caafimaadka dhimirka ee carruurta ee Lixele xaalad degdeg ah, ka dib markii ay wejiga iska waxyeelesay 11 jeer. Dhakhtarkuna wuxuu go’aansaday inuu isla markiiba siiyo dawooyinka niyad-jabka.
“Waxa aan dareemay in ay ahayd xal degdeg ah in aan daweeyo,” ayay tiri Jenny Jacobson, hooyada hooyadeed.
Waxay ku dartay, “Waxaan dareemay inay tahay inay qof la hadasho, iyo in awood la’aanteeda inay ka hadasho sida ay dareemayso ay tahay in wax laga qabto.”
Ilmuhu ma helin wax faragelin daweyn ah oo ka timid rugta caafimaadka dhimirka, marka laga reebo dawooyinka.
Qiyaastii 6 bilood ka dib, Brenna waxay isku dishay qolkeeda guriga.
Raadiyaha Iswiidhen ayaa kiiska cunuga iyo xogteeda caafimaad u soo bandhigay saddex khabiir oo ku takhasusay cudurrada dhimirka ee carruurta iyo dhallinyarada, kuwaas oo aad ugu dhaliilay in aysan helin daawaynta wada hadalka.