Dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga jawaabay hadal dhowaan kasoo baxay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kaasoo sheegay in Puntland ay ka xun tahay taageerada SSC-Khaatumo ay u muujinayso dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle Warsame, ayaa sheegay in maamulkooda uusan ku khasbanayn inuu Puntland kala tashado xiriirka ay la samaynayaan dowladda Federaalka. Wuxuu carrabka ku dhuftay in labada maamulba si siman ula xiriiri karaan dowladda dhexe, isla markaana aysan qaadin wax tallaabo ah oo sharci-darro ah.
Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in SSC-Khaatumo ay marar badan isku dayday wada-hadal iyo in ay xiriir rasmi ah la yeeshaan maamulka Puntland, balse aysan ka helin wax jawaab ah dhanka maamulka Puntland gaar ahaan madaxweynaha.
“Cid walba waa naga xigaan Puntand, sidaas oo ay tahay danaha siyaasiga ah ee Dowladdani leedahay waa kuwo noo cad taladoodana in aanan cidna u daba fariisanayn ay noo caddahay,” ayuu yiri Najiib Barkhadle.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Warfaafinta SSC-Khaatumo wuxuu sheegay inay dantooda siyaasadeed iyo midda shacabka SSC ka dhex arkeen inay la shaqeeyaan dowladda Federaalka, ayna doonayaan in kuraasta SSC lagu soo doorto gudaha deegaannadooda halkii loo xawili lahaa gobollo kale.