Home Wararka Maanta SSC Khaatumo oo Jawaab Ka Bixisay Hanjabaadii Muuse Biixi ee Shalay...

SSC Khaatumo oo Jawaab Ka Bixisay Hanjabaadii Muuse Biixi ee Shalay iyo Dagaalo Laga Cabsi Qabo

0

Maamulka SSC-Khaatuma ee fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ayaa jawaab culus oo deg-deg ah kasoo saaray hadal kasoo yeeray madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi oo hadda booqasho ku maraya qaybo kamid ah Sool, isaga oo ku goodiyay in Somaliland ay sii wadeyo dagaalka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay inay ka go’an tahay in ay gaaraan guul, si ay dunida uga helaan aqoonsi buuxa.

“Dagaalku waa soconayaa, geediga halganku waa socdaa, mana istaagayo ilaa aan guusha gaarno, guusha Somaliland waxay ku xiran tahay dagaalka, ciidan nagu filan ayaan heysanaa,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Intaasi kadib waxaa soo jawaabay Wasiirka Warfaafinta ee SSC Khaatumo Najiib Barkhad Warsame, wuxuuna sheegay inay iska difaaci doonaan weerar kasta oo kaga yimaada Somalilnad, isla markaana ay ciidankooda ku filan yihiin difaaca dhulkooda.

Barkhad ayaa hoosta ka xariiqay haddii ay xabad kasoo dhacdo dhanka Somaliland inay dhankooda jawaab deg-deg ah ka bixin doonaan, kana hortagi doonaan Somaliland.

“Waxaan ballanqaadaynaa Bastooladi hadday xagayaga u soo dhacdo, in Burco mooska celin doono,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta SSC-Khaatuma.

Hadalladan kul-kulul ee ay si dhaafsadeen labada dhinac ayaa uga sii daraya xiisadda u dhexeysa SSC-Khaatuma iyo Somaliland oo muddooyinkii dambe daganayd, kadib dagaallo culus oo labada dhinac ku dhexmaray magaalada Laascaanood iyo duleedkeeda.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Cadaysay Waxa lagu Samaynaayo Qofkii La Dhuunta Canshuurta Shalay Bilaabatay
Next articleMuxuu ahaa Howlgalka Maantay looga Dhawaaqay Shabeelada Dhexe?