Home Wararka Maanta SSC Khaatumo iyo Soomaaliland oo Qarka usaaran Dagaal Xili Xalay Dagaal ka...

SSC Khaatumo iyo Soomaaliland oo Qarka usaaran Dagaal Xili Xalay Dagaal ka dhacay ceerigaabo

0

Xiisadda dagaal u dhexeysay Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa haatan kasii dareysa, waxaana labada dhinac ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo si weyn looga dareemay gobollada Sool iyo Sanaag.

Wararka ayaa sheegaya in xiisaddan ay sii hurisay dilal iyo rabshado ka dhacay Ceerigaabo, kadib markii ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad hubeysan ay isku dhaceen.

Dilkii ugu dambeeyay ayaa waxaa loo gaystay Salmaan Aadan  Cabdi Madoobe, waxaana ka horreeyay dilka laba qof oo kale oo deegaan ahaan kasoo jeeda SSC-khaatumo.

Golaha wasiirada Khaatumo oo xalay shir aan caadi ahayn ku yeeshay gudaha magaalada Laascaanood ayaa ka shiray xaaladaha soo kordhay, waxayna soo saareen warsaaxafadeed ay ku cambaareeyeen dilalkii ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee waqooyiga Soomaaliya.

“Waxaan tacsi ka direynaa shaqooyinkii ka dhashay falkaa argagixisanimo oo mar labaad shacabka SSC weerar lagu soo qaaday oo lagu dilay laba wiil oo ka tirsan shacabka SSC-Khaatumo”.

SSC ayaa shaaca ka qaaday inay la socoto dhaq-dhaqaaq gar-darro ah oo ay sheegtay in Somaliland ay ka waddo halkaasi, waxayna ku eedeysay argagixisanimo.

“Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu si dhow isha ugu hayaa, ulana socdaa falalka ay ku kacayaan maamulka argagixisada ah ee Somaliland, wuxuuna si adag u cambaareynayaa falalkan oo la xiriira socdaalkii dagaal hurinta ee uu horjoogaha Somaliland ku yimid magaalada Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag” ayuu mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Khaatumo ayaa sidoo kale wacad ku martay inay jawaab cad ka bixineyso daan-daansiga Somaliland, haddii aysan ka waantoobin waxa ay ka wado dhulkeeda.

Dowlada Somaliya oo ku Dhawaaqday Xiliga la Qabanayo doorashada goleyaasha degaanka

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, G/ kuxigeenka Saadiq Abshir Garaad iyo qaar ka mid ah Xubnaha guddiga ayaa si wada jir ah u

Dagaal ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish ku dhexmaray Togga Miiraale oo Warar laga helayo

Dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish oo ka dhacay aagga Togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah. Inta la

Madaxweyne Xasan Shiikh oo maanta gaaray Furuumaha hore ee Dagaalka:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan Degmada Aadan Yabaal oo uu ka hoggaaminayo hawlgallada xoreynta deegaannada

Sarkaal Dhawaan kasoo goostay Kooxda Daacish oo isoo Meyd ah la helay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari , ayaa sheegaya in uu geeriyooday Cabdiraxmaan Shirwac Aw Siciid (Laahoor) oo horey uga tirsanaa saraakiisha sar sare ee kooxda Daacish,

Turkiga oo Muqdisho Keenay Diyaaradaha Bayraktar Akıncı ee Dron-ka ah

Sida aan xogta ku heleyno dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho maanta keentay labo diyaaradood oo nuuca dagaalka ah, kuwaa oo loogu tala galay in ciidanka xoogga dalka  Soomaaliya ka caawinayaan
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Baydhabo oo lagu Qaaday Weerar Qaraxyo ah
Next articleDowlada Soomaaliya oo Heshay Diyaradihii Dagaalka ee Ugu Badnaa Halmar