Home Wararka Maanta Soomaliland oo maantay u dareertay Doorashada Madaxweynaha iyo Muuse Biixi oo…

Soomaliland oo maantay u dareertay Doorashada Madaxweynaha iyo Muuse Biixi oo…

0

Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa sheegaya in saaka dadweynaha ku dhaqan deegaannada maamulkaasi ay u dareereen goobaha cod-bixinta doorashada ee maamulkaasi, taas oo ah mid xasaasi ah oo loolan adag loogu jiro.

Sawirro laga soo qaaday Hargeysa iyo deegaannada kale ee Somaliland ayaa la arkayaa shacab fara badan oo safaf dhaadheer ugu jiro inay codkooda dhiibtaan, si ay usoo doortaan madaxweynaha ee cusub ee Somaliland.

Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya saddexda Xisbi ee kal ah Kulmiye, Wadani iyo UCID, waxaana u kala sharraxan Muuse Biixi, Cabdiraxaam Cirro iyo Faysal Cali Waraabe.

Dhankiisa musharraxa Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro oo aad ula loolamayo Muuse Biixi ayaa ku baaqay in la aqbalo natiijada doorashada, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay inuu isaga ku guuleysan doono xilka madaxweynaha ee maamulka Somalilad.

Faysal Cali Waraabe oo isna hoggaamiyo xisbiga UCID ayaa shalay khudbaddii ugu dambeysay jeediyay, wuxuuna isna muujiyay ifafaalo ah inuu noqonayo madaxweynaha cusub, laakiin wax kasta waxay ku xiran yihiin natiijada iyo cidda ay doortaan shacabka.

Dhinaca kale ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana gebi ahaan bandow lagu soo rogay magaalooyinka waa weyn oo lagu soo daadiyay ciidan sugaya amniga doorashada.

Somaliland waa maamulka kaliya ee qabta doorasho qof iyo cod ah, isla markaana shacabka ay soo doortaan hoggaankooda, taas oo aad loogu boggaadiyo Somaliland.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleMid ka Mid ah Ragii Alshabaab ka Saaray Gobalka Hiiraan oo Si fudud lagu dilay
Next articleAlshabaab kii abid ugu Badnaa oo Halmar iskasoo Dhiibay Degmada Xarardheere