Home Wararka Maanta Soomaliland oo Ka Hadashay Dagaalada Kasoo Cusboonaaday Gobalada Sanaag

Soomaliland oo Ka Hadashay Dagaalada Kasoo Cusboonaaday Gobalada Sanaag

0

Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadashay xiisadda kasoo cusboonaatay gobolka Sanaag, gaar ahaan aagga Ceerigaabo, taas oo u dhexeyso ciidanka Somaliland iyo maleeshiyaad hubeysan.

Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in kooxo cadow ku ah bulshadu ay ku howlanyihiin dhibaatada ka taagan halkaasi.

Sidoo kale wasaaradda ayaa xustay in ujeedka uu yahay in la’iska horkeeno bulshada halkaasi deggan iyo Somaliland

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale baaq loogu diray shacabka oo laga dalbaday inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida deegaanka, si looga hortago dagaal mar kale ka dhaca koonfurta gobolka Sanaag.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay ugu baaqaysaa dadka walaalaha ah ee degaanada koonfurta gobolka Sanaag ee ay  shalay shaqaaqadu ka dhacday in ay nabadda ilaaliyaan, kooxaha cadawga ku ah nabadda ee bulshada iska horkeenayana ay meel uga soo wada jeestaa” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda.

Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa sidoo kale ciidamada amar ku siisay in ay tallaabo ka qaadaan kooxo abaabulan, oo ay sheegtay inay halis ku yihiin nabad-geylyada.

Dhankeeda SSC-Khaatumo ayaa si adag uga hadashay xiisaddan, waxayna Somaliland ku eedeysay inay dagaal ka hurineyso magaalada Ceerigaabo, ayna ku dishay dad shacab ah.

Golaha wasiirada Khaatumo oo xalay shir aan caadi ahayn ku yeeshay gudaha magaalada Laascaanood ayaa soo saaray warsaaxafadeed ay ku cambaareeyeen dilalkii ka dhacay halkaasi.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Degmada Cadale kula afuray Madax kala duwan iyo Saraakiil:- Sawiro

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa degmada Cadale kulan afur ah kula qaatay hoggaanka iyo siyaasiyiinta deegaanka, ciidammada shacabiga ah ee

Caasimada Khartuum inteeda badan oo laga saaray Kooxda RSF

Taliyaha ciidamada Sudan, Jen. Cabdi Fattax Al-Burhan ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo inay milatariga la wareegeen gacan ku heynta caasimadda Khartuum Talaabadan ayaa noqonaysa guushii ugu sarreysay oo milatariga

Kooxda Shabaab oo lagu arkay inta u Dhaxeysa Muqdisho iyo Afgoye:- Sawiro

Shacabka Muqdisho ayaa caawa si aad ah u hadal haya xubno ka tirsan Al-Shabaab oo gabal dhicii maanta lagu arkay wadadda u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye Waxay halkaas isugu keeneen

Dagaalka Khartuum oo Xoogeestay iyo Ciidanka RSF oo la go’doomiyay

Ciidanka milatariga dalka Sudan , ayaa weerar culus oo u muuqda soo afjarid ku qaaday saacado kahor goobaha ay magaalada Khartuum kaga sugan yihiin ciidanka gurmadka deg degga ee RSF,

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Howlgalo ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeellaha Dhexe

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay. Saraakiisha hoggaamineysay
Ad
Previous articleMaamulada Hospitalda Qaarkood oo Xabsiga la Dhigay
Next articleAlshabaab oo Weerar Ku Qaaday Xeradaan oo Balcad Ku taal