Somaliland ayaa soo saartay bayaan ay beesha caalamka kula wadaagayso walaac ku saabsan colaadda ka taagan magaalada Laascaanood oo ka dhalatay dil loo geystay mid ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland bishii December.
“Dadaal niyad sami leh oo lagu xakameynayo rabshadaha iyo soo celinta xasiloonida, dawladda Somaliland waxay dib ula soo noqotay ciidamadeeda ammaanka Laascaanood, waxay ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah, waxayna ku dhiirigelisay dhammaan dhinacyada kale inay ku soo biiraan,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Maraykanka, Midowga Afrika iyo beesha caalamka inay si wadajir ah ugala shaqeeyaan dadka reer Somaliland soo celinta amniga magaalada Laascaanood, isla markaana ay taageeraan sidii xal waara loogu heli lahaa oo ay ku jirto in la aqoonsado qarannimada Somaliland.
“Caqabadahaas oo ay doonaanba ha ahaadeene, waxa naga go’an in aan hirgelinno doorashooyin dimuqraadi ah, oo ah xuquuq ay dawladdu ilaalisay iyo hannaan tusaale u ah deegaanka.”