Home Wararka Maanta Soomaaliya ‘oo ogolaatay’ inay ka qeyb-gasho kulanka Madasha Negev ee Israel

Soomaaliya ‘oo ogolaatay’ inay ka qeyb-gasho kulanka Madasha Negev ee Israel

0

Soomaaliya iyo Comoros ayaa ogolaaday inay saraakiil sare oo korjoogto ah u diraan shirka heer wasiir ee Madasha Negev, oo ah koox ay ku jiraan Mareykanka, Israel, Masar, Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Morocco, waxaa sidaas warbaahinta Axiosee Mareykanka u sheegay laba sarkaal oo Israeli ah.

Soomaaliya iyo Comoros oo ah laba dal oo Islaam ah wax xiriir diblomaasi oo rasmi ah lama lahan Israel.

Saraakiisha labada dal ayaa wada-hadallo qarsoodi ah la lahaa Israel muddo sanado ah, waxayna dhowaan si qarsoodi ah u booqdeen Israel, sida ay sheegeen saraakiisha Israel ee la hadlay Axios.

Ka qeybgalkooda kulanka ayaa noqon karta tallaabo weyn oo loo qaaday hanaan ay labada dal xiriir diblomaasi kula yeelanayaan Israel.

Madasha Negev waxaa la aasay March 2022, kadib kulan aan caadi aheyn oo ay ka qeyb-galeen xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken iyo wasiirada arrimaha dibedda Israel, Masar, Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Morocco.

Aas-aadka madasha ayaa looga dan leeyahay inay dalalka gobolka iskaashi ka yeeshaan arrimaha caafimaadka, dhaqaalaha, isbeddelka cimillada, biyaha iyo ammaanka.

Kulankii labaad ee heer wasiir ee Madasha Negev ayaa la qorsheeyey bishii March ee lasoo dhaafay, hase yeeshee waxaa dib loo dhigay dhowr jeer, kadib markii xubnaha Carabta ay walaac ka muujiyeen inay si toos ah ula macaamilaan dowladda garabka midig ee fog ee Israel.

Waxaa hadda la filayaa in kulanka uu dhaco xagaagan.

Kahor dib u dhigista kulankii March, Israel ayaa soo jeedisay in Soomaaliya iyo Comoros ay kulanka uga qeyb-galaan hab korjoogto ahaan ah, wayna aqbaleen labada dal, sida ay saraakiisha Israel u sheegeen Axios.

Isaga oo u warramayey weriyayaasha Axaddii, wasiirka arrimaha dibedda Israel Eli Cohen ayaa sheegay “laba ama saddex dal oo aan xiriir diblomaasi la lahayn Israel ayaa ka qeyb-geli doona kulanka.”

Waxa uu intaas ku daray in Israel ay weli rumeysan yahay “inay ka qeyb-geli doonaan kulamada mustaqbalka, ayna noqon doonto tallaabo horey loogu qaaday xiriir rasmi ah.”

Safaaradda Soomaaliya ee Washington iyo howlgalka Comoros ee QM ayaan ka jawaabin codsi falcelin oo loo diray.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWaa Sidee Xaalada Magaalada Laasacanood ee Saakay?
Next articleMorocco oo jawaab adag ka bixisay Kitaabka Qur’aanka ee lagu gubay bartamaha Stockholm