Dowladda federaalka Soomaaliya oo saaxiib dhow la’ah Masar ayaa la wadaagtay nuxurks heshiiskii ay Itoobiya kula gaartay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Masar ayaa uga warbixiyay qodobbadii ka soo baxay shirkii Ankara ku dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo lagu soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay labada dal.
Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa shaacisay in wada-hadalka labada wasiir lagu soo qaaday xiriirka istiraatijiga ah ee Masar iyo Soomaaliya iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay kadib shir-madaxeedkii saddex geesoodka ahaa ee bishii October Asmara ku dhex-maray madaxweynayaasha Masar, Soomaaliya iyo Eritrea.
Wasaaradda ayaa xaqiijisay in wasiir Fiqi uu wasiirka arrimaha dibadda Masar uga warbixiyay nuxurka shirkii Ankara ku dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo sheegay inay ka go’an tahay in la ixtiraamo qaranimada iyo midnimada dhulkeeda.
Badar Abdelatty oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Masar ayaa dhankiisa xaqiijiyey in Masar ay si buuxda ku garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, la-dagaalanka argagixisada iyo xaqiijinta amniga iyo xasiloonida.
Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in
Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib weerar ay xalay kooxda Daacish kusoo qaadday deegaanka Xabley ee degmada