Home Wararka Maanta Soomaaliya oo Markale U Dacwootay Maraykanka(Sawiro)

Soomaaliya oo Markale U Dacwootay Maraykanka(Sawiro)

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub e Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Mudane Richard H. Riley ayaa ka wada-hadlay danaha labada waddan iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ugu horreyn ra’iisul wasaare Xamza ayaa safiirka la wadaagay warbixin xasaasi ah oo ku aadan siyaasadda guud ee xukuumadda DanQaran, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshad iyo horumarrada laga sameeyay muddadii labada sano ahayd ee la soo dhaafay.

Xamza oo kulanka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumaddiisa ay waddo Qorshaha Isbeddelka Qaran (National Transformation Plan), kaasi oo ku saleysan hawlaha ahmiyadda u leh Xukuumadda, sida xoojinta dowlad wanaagga, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo horumarinta arrimaha bulshada, iyada oo door muuqda ay ku leeyihiin ganacsatada iyo maalgashatada Soomaaliyeed si ka duwan qaabkii hore.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu markale caddeeyay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan heshiis ku sheeggii sharci darrada ahaa ee Ethiopia, oo uu sheegay in marnaba Soomaaliya aanay oggolaan doonin taako ka mid ah dhulkeeda.

Waxa uu intaa raaciyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay Iskaashi Ganacsi, Dhaqaale, Amni iyo Isdhexgal, balse ay ku xiran tahay, isla markaana aanay marnaba aqbali doonin ilaa Ethiopia ay ka laabanayso damaceeda gurracan.

Dhankiisa danjire Mr Riley ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha isdaba joogga ah ee ay ku tallaabsatay ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo bulshada, isagoo ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliyeed ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadka 2025 – 2026.

Safiirka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay siiyaan dalkeenna ee ay ugu horreeyaan dhinacyada amniga, arrimaha gargaarka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, isaga oo xusay in shirkadaha Mareykanka ay si gaar ah u daneynayaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya.

Richard H. Riley oo todobaadkan uun laga guddoomay warqadaha aqoonsiga ee danjirenimo ayaa maalmihii u dambeeyay waday kulamo uu la qaadanayo madaxda Soomaaliyeed, waxaana kulankii ugu dambeeyay uu shalay la yeeshay Aadan Madoobe.

Ad
Previous articleNinkii Dilay Marxuum Maxamed Axmed Faarax oo Laga Dajiyay Garowe
Next articleMadaxweynaha Kenya Oo Deg Deg uga Laabtay Shircigii Sabab Banaanbixii Shalay