Home Wararka Maanta Soomaaliya oo jawaab Deg Deg ah ka bixisay Go,aankii Midowga Africa

Soomaaliya oo jawaab Deg Deg ah ka bixisay Go,aankii Midowga Africa

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo jawaab ka bixisay tallaabada Ururka Midowga Afrika ayaa soo dhaweysay go’aanka Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee ururkaasi oo aqbalay codsiga Soomaaliya ee ku aadan bixista ATMIS iyo dhismaha ciidamada cusub ee beddelaya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika Danjire Cabdullahi Maxamed Warfaa ayaa ka warbixiyey aqbalaadda codsiga Soomaaliya iyo waxa uu ka dhigan yahay, isaga sheegay in go’aanada kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ay yihiin kuwa masiiri ah oo saameynaya Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay inay masiiri yihiin, isla markaana ay wax badan ka beddali doonaan nabadgelyada Soomaaliya, maadaama ay la wareegayaan ciidanka qaranka.

“Qaraarada kasoo baxay Midowga Afrika waa go’aano masiiri ah oo nabadgelyada Soomaaliya saameyn ku leh, wax badana ka beddalaya sida ay wax u socdeen, sidoo kalena abuuraya jawi cusub oo ka duwan sidii hore oo ay wax u socdeen” ayuu yiri Danjire Warfaa.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Afrika ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in la gaaray xilligii isku filnaashaha Soomaaliya, ayna amnigeeda ku filan yihiin ciidankeeda.

“Soomaaliya inta badan waxay aad ugu tiirsaneed ciidamadan baxayo, hase yeeshee waxaa la gaaray waqti ay Soomaaliya go’aankeeda qaadan karto oo ay rabto inay isku filnaato ciidamadeeda ay ku filnaadaan, ayna la wareegaan nabadgelyada dalka” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Sanadihii u dambeeyay waxaa socday wada-hadallo u dhexeeyay Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya, waxayna ku saabsanaayeen sida mas’uuliyadda waddanka loogu wareejin lahaa dowladda dhexe”.

ATMIS ayaa la filayaa inay dalka ka baxdo dhammaadka sanadkan 2024-ka, waxaana haatan si tartiib ah u socda qorshaha bixista ciidamada ku jira howlgalkaasi.

Dhinaca kale Midowga Afrika ayaa taageeray in la sameeyo howlgal cusub oo ururkooda hoostaga, maadaama howlgalka hadda socda ee ATMIS uu dhamaanayo bisha December ee sanadkaan 2024.

Midowga Afrika ayaa warbixinta ay soo saareen ku sheegay in howlgalka cusub ay diiradda ku saari doonaan taageeridda dowladda federaalka Soomaaliya, si dalka looga xoreeyo kooxaha argagixisada ah.

Howlgalka bilaabanaya ee ATMIS bedelaya ayaa mudnaanta lagu siinayaa ilaalinta rayidka Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale dowladda dhexe ka caawi doonaa xasilinta iyo amniga dalka, iyadoo awood la siinayo mudnaanta dowlad-dhiska, sida lagu sheegay warbixinta.
Ad
Previous articleMidowga Africa Oo Soo Saaray Go,aan Ka Farxiyay Dowlada Soomaaliya
Next articleCiidanka Xoogga dalka oo tagay dhul howd ah oo dhawaan Al Shabaab lagu duqeeyay (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here