Home Wararka Maanta Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday dhaqan-gelinta Heshiiska Iskaashiga iyo Horumarinta Waxsoosaarka...

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday dhaqan-gelinta Heshiiska Iskaashiga iyo Horumarinta Waxsoosaarka Badda

0

Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Turkiga ayaa kala saxiixday dhaqan-gelinta Heshiiska Iskaashiga iyo Horumarinta Waxsoosaarka Badda ee ay horey ugu heshiiyeen Labada dhinac, kaas oo muhiim u ah ilaalinta iyo horumarinta khayraadka badda (Blue Economy).

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan, ayaa magaalada Ankara heshiiskan kula saxiixday shirkadda Turkiga laga leeyahay ee OYAK.

Heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo ilaalinta khayraadka badda, kor loogu qaado wax-soo-saarka kalluunka, lana dhiirrigeliyo maalgeshi toos ah oo lagu sameeyo kaabeyaasha dhaqaalaha xeebaha Soomaaliya.

Xafladda saxiixa oo ka dhacday xarunta shirkadda OYAK, waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin sar-sare oo labada dhinac ah, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga Cabdi Diirshe.

Dhinaca Turkiga waxaa matalayay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Gaashaandhigga, Arrimaha Dibedda, Beeraha iyo maamulka sare ee OYAK.

Ugu dambeyntii Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa ku bogaadiyey dowladda Turkiga iyo shirkadda OYAK sida ay u muujiyeen kobaca maalgashiga Soomaaliya iyo xasilloonida ka hanaqaadday dalka.

Ad