Home Wararka Maanta Soomaaliya iyo Itoobiya oo Wadahadalkii Ugu Horeeyey ku Yelaanaaya Turkiga

Soomaaliya iyo Itoobiya oo Wadahadalkii Ugu Horeeyey ku Yelaanaaya Turkiga

0

Dawladda Turkiga ayaa ku cadaadinaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, in ay 30-ka bishan wada hadalo uga bilowdaan magaalada Ankara, kaas oo heer wasiir arrimo dibadeed ah, ayna uga wada hadlayaan xaalada labada dhinac u dhaxaysa, xili aysan Itoobiyaanka wali ka laaban Is afgaradkii ay saxiixeen bilowgii sannadkan, sidaas oo kalena ay hadda ka fakarayaan ficilo cusub.

Wasiirka Arrimaha dibada Turkiga Hakan Fidan ayaa kuwargaliyey Madaxweyne Xassan Sheekh, dhawaan in ay Ankara xooga saarayso Geeska Afrika oo xasiloon kana heshiiya dhacdooyinka u dhaxeeya, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo sugan oo kulanka qeyb ka ahaa.

Turkiga ayaa Itoobiya iyo Soomaaliyaba faa’iido weyn kuqaba, kulana jira heshiisyo iskaashi dhinaca difaaca ah, iyadoo ay waliba Itoobiya siiyeen diyaaradaha bilaa duuliyaha oo xukunka kuhaya Abiy Axmedka ay qowmiyado badan la dagaalamayaan.

Ad
Previous articleWaa Imisa Dadka Shalay Ku Geeriyooday Roobabkii Mahiigaanka ahayd ee ka Da,ay Muqdishu
Next articleWar Deg Deg ah: Dagaal Markale Goordhow Ka dhex Qarxay Beelaha Sacad iyo Laylkase