Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Soomaaliya iyo Itoobiya oo Heshiis ku Gaaray oo Soo gabagabeeyey Khilaafkoodii

Soomaaliya iyo Itoobiya oo Heshiis ku Gaaray oo Soo gabagabeeyey Khilaafkoodii

0

War-murtiyeedka laga soo saaray Wada hadalada Soomaaliya iyo Itoobiya ee Turkiga garwadeen ka ahaa ayaa la waxaa la isku raacay in labada dal ay ka gudbaan waxyaabihii dhaliyay khilaafaadka (Taas oo macnaheedu yahay MOU)

1- In la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka labada dal sida ay qabaan xeerarka caalamiga ee Axdiga QM iyo Midowga Afrika (Taas oo meesha ka saareysa aqoonsiga Somaliland)

2- In Itoobiya loo oggolaado marin badda ah oo sharciyeysan, iyadoo la tixgelinayo wadajirka dhuleed ee dowladda Federaalka Soomaaliya

3- In si dhow looga shaqeeyo heshiisyada ganacsi ee dan u ah labada dal, iyadoo loo marayo heshiisyo labo geesood ah.

4- Wada hadalo farsamo ah oo bilaabanaya February 2025 oo mar kale Turkiga fududeynayo, laguna soo gabagabeynayo afar bil gudahood

Ad
Previous articleJubaland oo ku Dhawaaqday Guusha ay ka Gaartay Raaskanbooni
Next articleHalkee ayay Ku danbeeyeeen Ciidamadii Dowlada ee Taliye Fanax iyo Xasan Ciraaqi?